Isku-aadka Wareegga 16-ka Ee koobka Adduunka oo La Soo Saaray

0
4350

Doha (Hargeisa Press) – Wareega group-yada ee koobka adduunka ee ka socda dalka Qatar, ayaa la soo gabagabeeyay waxaana hadda loo soo gudbay wareegga dhiig-baxa oo ay 16 kooxood isugusoo hadheen.

Koobka adduunka waxaa sanadkan ka soo baxay natiijooyin lama filaan ah, iyadoo Argentina ay guuldarro ka soo gaadhay Saudi Arabia, Japan oo ka badisay Jarmalka iyo guushii muhiimka ahayd ee Morocco ay ka gaadhay Belgium.

Xulka Germany iyo Uruguay, ayaa ku wada hadhay wareega guruubyada, iyadoo ay wehliyaan Belgium iyo xulka qaranka Denmark oo semi-finalka tagay yuuradii sannadkii 2020.

Haddaba, waxaa lasoo saaray isku aadka wareegga 16-ka ee koobka adduunka, iyadoo maanta la billaabayo labada kulan ugu horrreeya.

Badi xulalka waawayn ayaanan isku beegmin wareeggaan. Inkastoo Qaramo si yaable ku soo baxay aanan la dhayalsan karin awooddooda.

Xulka Argentine iyo Australia oo isku beegmay, ayaa maanta wada cayaaraya, sidoo kale Natherland iyo Mareykanka, ayaa wada cayaaraya.

Hoos ka akhriso isku aadka wareegga 16-ka

LEAVE A REPLY