Isku Aadka Wareega Group-yada Ee Champions League oo Berri La Qabanayo

0
1505

Hargeisa (Hargeisa Press)- Isku aadka wareega group-yada Champions League ayaa la qabanayaa berri oo Khamiis ah iyadoo caawa ay dhameystirmeen 32da kooxood ee loo qabanayo isku aadka.

Waxaa caawa wareega group-yada Champions League u soo baxay kooxaha Slavia Prague, Club Brugge iyo Ajax kuwaasoo soo badiyay kulamadii isreebreebka ee ay la ciyaareen Cluj, APOEL iyo Lask.

Waxaana haatan la xaqiijiyay afarta dheri ee ay kala gelayaan 32da kooxood ee berri isku aadka loo qabanayo.

Hore waxaa loo sii ogaa kooxaha ku jira dheriga koowaad oo ka kooban kooxda hanatay Champions League, kooxda hanatay Europa League iyo lixda kooxood ee soo qaaday horyaalada lixda wadan ee ugu qiimeyn sareeya UEFA.

Real Madrid, Atletico Madrid, Tottenham ayaa iyagana ka mid ah kooxaha dheriga labaad iyadoo Ajax oo caawa badisay ay sidoo kale ku jirto kooxaha dheriga labaad.

Kooxaha dheriga seddexaad waxaa ka mid ah Inter Milan, Bayer Leverkusen, Valencia iyo Lyon. Halka kooxaha dheriga afaraad ay ku jiraan kooxo ay ka mid yihiin Galatasaray , Atalanta iyo Lille.

Sharciga isku aadka berri la qabanayo ayaa la micno ah in group walba uu ka koobnaan doono afarta dheri ee kooxaha haatan loo kala saaray. Waxaa macquul ah inaan aragno group-ka geerida: Liverpool, Real Madrid, Inter Milan iyo RB Leipzig.

Waxaa xusuusid mudan in kooxaha isku wadanka ah inaanay isku group nooqn doonin wareega group-yada halka kooxaha Ukriane iyo Russia iyagana ayna isku group noqon doonin madaama ay xiisad siyaasadeed ka dhaxeyso.

Kulamada wareega group-yada waxaa la ciyaari doonaa September 17-18, October 1-2, October 22-23, November 5-6, November 26-7 and December 10-11.

Afarta dheri ee loo kala saaray kooxaha ka hor isku aadka wareega group-yada ee berri:

Pot 1: Liverpool, Chelsea, Barcelona, Manchester City, Juventus, Bayern Munich, PSG, Zenit

Pot 2: Real Madrid, Atletico Madrid, Borussia Dortmund, Napoli, Tottenham Hotspur, Shakhtar Donetsk, Benfica, Ajax

Pot 3: Lyon, Bayer Leverkusen, FC Salzburg, Olympiakos, Valencia, Club Brugge, Inter, Dinamo Zagreb

Pot 4: Lokomotiv Moscow, Genk, Galatasaray, RB Leipzig, Slavia Prague, Red Star Belgrade, Atalanta, Lille

 

Hargeisa Press.com/Hargeisa Office.

LEAVE A REPLY