Khudbaddii jimcaha ee shalay sheekhu, waa sheekh Dr. Ciise Maxamuud eโ waxa uu si ballaadhan uga warramay Zakada iyo axkaamteeda.
Ma rabo in aan si qoto-dheer uga hadlo dhammaan axkaamta Zakada ee sheekhu ka sheekeeyay. Laakiin, waxa i soo jiitay oo aan jeclaystay in aan la wadaago asxaabtayda iyo guud ahaan cid kasta oo ay khusayso qodob ku saabsanaa kaydka lacagta (Saving) ee ay dadku bangiyada dhigtaan.
Dad badan waxa ay u fahansan yihiin in lacagta dakhliga ah ee lagu kaydsado bangiyada aanay Zako ku waajibayn, laakiin Sheekhu waxa uu caddeeyay qaabka ay Zakadu uga waajibayso lacagtaas.
Haddaba, iswaydiintu waxa ay tahay sidee ayay ugu waajibaysaa? Xillima ayay se ku waajibaysaa?
Sida nusuustu innoo xaqiijisay Zakadu waxa ay waajibaysaa marka kaydkaagu gaadho Zako-goys (Nisaabka) kaas oo ah 85 garaam oo dahab ah, taas oo lagu salaynayo qiimaha dahabka ee xilligaa la joogo. Xilligan la joogo qiimaha 1-ka garaam ee dahabku waxa uu ku dhaw yahay $90.
Halkaas waxa aynnu ka faaโiidaysanaynaa haddii ay account-kaaga kuugu jirto lacag dhan $7,650-dollar ama wax ka badan oo uu ka soo wareegay hal sanno oo hijriga ah ama Ramadaan ilaa Ramadaan, waxa kugu waajibtay in aad Zakada ka bixiso.
Qaddarka laga bixinayaa waa 2.5% oo u dhigta $191.25, waa haddii ay kuu kaydsan tahay lacagta ugu yar ee Zako laga bixiyo oo ah $7,650 marka loo barbardhigo qiimaha dahabka ee 85-ta garaam ah. Tusaalaha 2-aad: Haddii ay kuu kaydsan tahay $10,000, waxa kugu waajib ah in aad ka bixiso $250.
FIIRO GAAR AH: Haddii aad lacagta isticmaasho kahor inta aanu sannadku dhammaan, Zako laguma yeelanayo.
Qoraalkan waxa igu kalllifay, in ay soo dhawdahay bishii Ramadaan, baahiduna ay badan tahay. Sidaas awgeed, aynnu ka war hayno dadka baahan, gaar ahaan xigtada. Si ay xooluhu innoogu barakoobaan, maadaama wax bixinta laga dhaxlo barako.
Wixii faahfaahin dheeraad ah ee arrintan la xidhiidha waxaa muhiim ah in culimada la wayddiiyo.
Qalinkii: Mustafe Adam