Isbedelka xadaraada iyo Xuquuqda Dumarka..Qaybtii 2aad W/Q Naciima Cabdi Galiixe

0
1088
Qorra Naciima Cabdi Galiixe
Qorra Naciima Cabdi Galiixe

Islamku waxa uu qofka dumara siiyay xaqeeda ah inay doorato ninka ay rabto marka ay guurka noqoto, waqtiga meherku dhacayana waxaa xaq loo siiyay in la weydiiyo inay diyaar u tahay in la meheriyo, iyo weliba inay iyadu go’aamiso qaddarka lagu meherinayo.

Iyadoo weliba ay dheertahay inay keligeed xaq u leedahay meherkeeda oo aanay jirin cid kale oo la wadaagaysaa ama la qaybsanaysa.

Kitaabka uu qoray Sh.Maxamed Qasaali ee (Xuquuqal Insaanka: Islaamka iyo Qaramada Midoobay) wuxuu ku cadeeyay in Islaamku u baneeyay Inanta masuulkeedu inuu u diido ninka ay inantu doorato haddii uu ka xumaado tasarufka inantu oo ninkaasi aanu ahayn mid u dhigma u qalma isla markana aan shakhsiyad fiican lahayn, haddiise uu yahay mid ku haboon oon dhaliil lahayn, qofna uma banana in la iska hortaago,Waxaana sidan loo yeelay si loo ilaaliyo dareenka iyo weliba mustaqbalka Inanta.

Islaamku waxa uu Xooga saaray in ninka inanta la siinayaa yahay mid Diintiisa Dhaqankiisa iyo waliba akhlaaqdiisu dhisan tahay kaas oo loo arkayo mid si dabacsan oo naxariisi ku dheehan tahay ula dhaqmaaya gabadha, masuuliyaddeeda oo dhanna qaadi kara waxtar muuqda iyo niyad ahaanba.
Kitaabka Fiqi Sunnah ee Sh.Sayid Saabiq marka uu ka waramayo sida inantu u dooranayso ninka wuxu cadeeyaya in masuulka inanta dushiisa tahay inuu inantiisa si wanaagsan ugu dooro uguna guuriyo, mid Diin, akhlaaq, naxariis, sharaf, iyo dhaqan wanaagasan leh, kana ilaaliyo kan akhlaaqda liita ee aan lahayn dhaqan diimeed.
Arrimahani waxay keenayaan inuu jiro qoys wanaagsan oo soo saara jiil wanaagsan, iyo inay gabdhu ku noolaato nolol farxad,sharaf iyo cisi leh oo aan ahayn mid ku dhisan xaqiraad, dil, iyo islaweynida raga.
Yaa uga naxariis badan dumarka Diintena Islaamka, Wadamadan Reer Galbeedka ee ku qaylinaya Xorriydada Haweenka, Xaasaskoodii, hablohodii, iyo hooyooyinkoodba way ku hoos dhibaataysan yihiin.

Dalka Maraykan oo keliya dhibta ku haysata dumarka waxay kugu noqonaysa u qaadan waa, Waxa laga yaaba inay dad badni aaminsan yihiin in aan dhibaato ku haysan Yurub iyo Maraykan basharka, gaar ahaana Haweenka.
Warbixinaha laga diyaariyay ayaa sheegaya in dalkasi 74% dadka aadka u gaboobay isla markaana foqorka xumi hayo ay yihiin dumar.

Iyo in 4000 kun oo dumara sanad walba la dilo ama garaacis u dhintaan, Waxa kale oo ay intaa ku dareen in Tobankii kun ee dumar ahba la kufsado shan iyo lixdan ka mida.
Dalka Spin ayaa isna ah mid aan ka dhicin waxayna warbixinuhu sheegeen sannadii 1995-kii in ay booliska soo gaadhay siddeed iyo toban kun oo qaylo dhaan ah oo ku saabsan dumar si xun loogu garaacay magaalo madaxda Madarid oo keliya.

Sannaddii 1997-kiina 91 haween ah waxa qudha ka jaray raggii ay la noolaayeen.!!

Sannaddii 1998-kiina waxa dhacay falal dila oo gaadhaya 40 gabdhod laguna fuliyay Haween guryahoodii jooga.
Inta badan Waxaynu doona inaynu ku dayano kuwo nafahoodi dulmiyay oo waxa ay sheegayaan iyo ficiladoodu kala duwan yihiin, iyadoo Diinteenu ina siisay xoriyada Reer Galbeedku sheegayan mid ka balaadhan kana Cisi badan. !!

 

Naftiisa Qofkii Dulmiyey, Deyrkaaga Rabbow Ka Baxay Muxuu Halis Daaqayaa!
Tixraac:

 

Majalada AL-Mujtamac Cadadka 1299, 1421, 1411

 

La soco Qaybaha Kale..

 

Kuliyada Barashada Siyaasada Iyo Xidhiidhka Caalamiga Ah Ee Jamacada New Generation University

 

Email: naciimagaliixe@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here