Isbedelka siyaasadda geesku, Somaliland ayay isugu soo biyo shuban doontaa mustaqbalka dhaw

0
1505

Isbedelka siyaasadda geesku, Somaliland ayay isugu soo biyo shuban doontaa mustaqbalka dhaw.

UN
UK
FRANCE
FINLAND
UAE
TURKEY

Dawladda Somaliland waxay si balaadhan usoo dhawaysay Ergayga UN ta u qaabilsan Somaliland/Somalia Nicolos hysum waxaana sii diiran dawladda somaliland ugu martiqaaday ergaygan isagoo booqday goobo badan oo muhim ah, wuxuu arkay xaqiiqada taala wadankan.

Dawladda Somalia ayaa waxay eriday Ergaygii UN ta u fadhiyay Mr Nicolos hysum waxay ahayd siyaasad caadifad ku dhisan oo aan sees wanaagsan oo adag lahayn .

Somaliland waxay soo saartay warqad siyaasiyan xirfadaysan oo ay territorygeeda inay iyadu ka masuul tahay ku xardhan kuna difaacayaan ergaygaas Nicolos hysum inuu ka shaqayn doono dalkooda warqadda eriska ah ee soomaaliyana aanay khusayn.

UN iyo dawladdaha reer galbeedku arintan waa ay diideen diplomaasiyada marka laga eego nidaamka loo eryay “persona non grata” waa mid laga guuray Dawladda ingiriisku dacwad ayay ka gudbiyeen,Dawladda france diidmo xoogan ayay ka muujisay.

Dawladda UK ayaa waxay soo dirtay Wasiirka Difaaca UK waxaana lagu martiqaaday qasriga madaxtooyada somaliland muu ahayn safar la filanayay balse sida ay u eegtahay isbedelkan ayaa keenay, Somaliland inbadan oo wax u qabsoomeen aduunku indhaha ayuu iska tirayay waxayse u eegtahay in somaliland istaraatijiga ay ku taala muhiim u noqotay Awoodaha aduunka ee is caydhsanaya dhaqaale iyo militryba.

Dawladda Finland ayaa iyaduna waxay u furtay Somaliland xafiiska siyaasada iyo ganacsiga waxbadana kusoo kordhin doona xidhiidhka caalami ee riyada dadka somaliland raadinayeen.

Safiirka Dawladda Turkeyga usoo magacawday Somaliland/Somalia ayaa isna loo sameeyay martiqaad balaadhan madaxweyne muuse ayaa wuxuu kula kulmay Qasriga madaxtooyada Somaliland.

 

Ahmedyasin Sh cumar Ahmed

LEAVE A REPLY