“isbedeladda Geeska Afrika ka socda Somaliland way soo dhawaynaysaa”…madaxweyne MBC

0
849

Burco (Hargeisa Press.com): Madaxweynaha jamhuuriyadda Somaliland Muuse Biixi Cabdi, ayaa sheegay in ay soo dhawaynayaan isbedeladda siyaasadeed ee mudooyinkan dabe ka socda Geeska Afrika oo uu hormood u yahay raysal wasaaraha Itoobiya.

Madaxweyne Biixi ayaa ku amaanay madaxweynaha dalka Erithteria adkaysigii uu muujiyay  cuna qabatayn iyo dagaallo dheer oo uu wadankiisu muddo kula soo jiray dalalka la deris ka ah, balse hadda xaaladaas ay isbedeshay oo wixii uu hamigiisu ahaa imika caalamku u ogolaaday.

Isagoo  Erithteria tusaale ugu  soo qaatay in aanay Somaliland marnaba ka tanaasulaynin qadiyadeed, isla markaana wakhti iyo halgan ka dheer midkii ay Erithteria soo martay ay diyaar u tahay.

Muuse Biixi Cabdi, oo maanta meel fagaare ah khudbad uga jeedinayay boqolaal dadweynaha Burco oo isugu soo baxay soo dhawayn ay u ku qaabileen wefti uu hogaaminayo halkaa gaadhay, Waxa  kaloo uu ka hadlay  arrinta wadahadalkii u dhexeeyay Somaliland iyo Soomaaliya.

Khudbadii madaxweyne Muuse Biixi oo dheerayd waxyaabihii uu ka hadlay waxaa ka mid ahaa hadal ka soo yeedhay safiirka Soomaaliya u fadhiya Qaramadda Midoobay oo uu ka jawaabay, carqaladaha gudaha dalkiisa ka jira ee caqabadda ku ah horumarka, waxyaabaha u qabsoomay xukuumadiisa iyo arrimo kale.

Halkan Ka Daawo Khudbadii Madaxweynaha:

Hargeisa Press.com/Hargaysa Office

 

LEAVE A REPLY