Isbedel Casri Ah oo Lagu Sameeyay Fagaaraha Maskal Ee Addis Ababa (Sawirro)

0
1060

Addis Ababa (Hargeisa Press) – Waxaa maanta la daah-furay Fagaaraha weyn ee ku yaalla bartamaha magaaladda Addis Ababa ee dalka Itoobiya oo isbedel aad u xooggan lagu sameeyay.

Munaasibada lagu daah-furayay Fagaaraha, ayaa waxaa ka qayb galay Wasiirka Batroolka Itoobiya Takele Uma, Madaxweynihii hore ee Itoobiya Mulatu Teshome,  Kuxigeenka duqa magaalada Addis Ababa Mrs. Adanech Abebe, safiiro iyo madax kala duwan.

Mashruuca dhismaha fagaarahan oo ay ku baxday lacag dhan 2.5 balyan oo birr oo lacagta waddankaasi wuxuu dhulka hoostiisa uu ku leeyahay ilaa iyo 1400 oo gaadhi goob la dhigan karo, dukaanno, makhaayado iyo waddooyin waaweyn oo ay gawaadhidu maraan.

Fagaarahan oo inta badan lagu qabto munaasabadaha siyaasadda iyo kuwa diinta, ayaa magaca ahaan loo yaqaanaa fagaaraha ‘Abiyoot’ ama ‘Maskal’.

Fagaarahan weyn ee Maskal, ayaa waxaa la sheegay inuu qaadayo dad ka badan 1.5 malyan oo qof.

Dhismaha fagaaraha oo lagu soo gabagabeeyay muddo hal sana ah, ayaa waxaa maalgeliyay maamulka magaalada Addis Ababa.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here