Inteebay Sii Socon Kartaa Rabshadaha iyo Fulinta Awoodaha Ee Ay Isku Baahaysteen Wasaarada Tamarta Somaliland iyo Shirkada Korontada Sompower?

0
1942

Hargeisa (Hargeisa Press)- Waxaa kasoo wareegay muddo toddobaad ah kadib markii, Qaar kamid ah saraakiisha iyo hawlawadeenada Shirkada Korontada Sompower ay weerar ku qaadeen, goob ay Xadhkaha Korontada marinayeen qaar Kamid ah Shirkada Korontada TEC oo ah Gudaha caasimada Hargeysa, gaar ahaana agagaarka Dugsiga Sare ee Faarax Oomaar, halkaas oo ay Dhaawacyo ugu geysteen shaqaalihii islamarkaana, Dhaawacyo, iyo Burburin u geysteen xadhkihii Korontada, iyo dhamaanba qalabkii kale.

Waxey aheyd Talaabo aan laga filayn shirkada Korontada ee SOMEPOWER, Waxaana arinta soo galey ciidamada Amaanka oo iyagu waajibaadkooda ka gutey, haddana waxaa la filayay in Shirkadu Talaabada qaloocan ka bixiso raaligalin, iyo magdhaw labadaba, Sidoo kalena ka xumaato arinta maamulkeeda iyo Shaqaalaheedu geysteen foolxumadeeda.

Waxey aheyd mid La dhawrayay, oo sharafta iyo milguhu ku qasbaan Mar walba dadka degalka oo ay Shirkadaha iyo Ganacsiguna falalka noocaas ah ka caagan yihiin.

Sidoo kale, waxaa xigay qoraalka kasoo baxey xafiiska wasiirka Tamarta iyo Macdanta Somaliland Jaamac Xaaji Maxamuud Cigaal, Waraaqdaas, oo lasoo saarey xalay saacadihii dambe islamarkaana, u muuqatey mid la diyaariyay sanad ka hor marka loo eego, qaabka loo qorey iyo sida qoraalka loo waafajiyay, in Wasaarada Tamarta iyo Macdantu kalsoonidii kala noqotey shirkada kotontada TEC haba kala noqotee, maxaa soo kordhey ee daarey Wasaarada iyo Shirkada Somepower?.

Marka xaqiiqda loo dhabo raaco, qoraalka wasiirka kasoo baxey, wuxuu ahaa mid ka garnaqayay, oo ka garsoorey talaabadii lala wada yaabanaa ee Shaqaalaha iyo Maamulka Shirkarda Somepower ku weerareen xadhkihii iyo shaqaalihii Shirkada TEC taas oo noqonaysa mid xaalada geyneysa meel kasii foolxun halki ay joogtey markii hore raaligalinta laga sugayay.

Waxeyse su,aali mar walba ka taagan tahey, Inteebay sii socon kartaa rabshadaha iyo fulinta awoodaha ee ay Isku bahysteen Wasaarada Tamarta iyo Macdanta, iyo Shirkada Korontada Somepower, iyadoo ay dadweynaha iyo bulshaduna qabaan su,aalo kasii badan kuwa aynu xusney kuwaas oo aitoos ah u taabanaya nolosha bulshada.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here