Ilhan Omar oo shaki galisay sida lagu aamini karo ergeyga Trump uu u magacaabay Venazuela

0
848

Hargeysa,(HargeisaPress)—Elliott Abrams oo ah ergeyga madaxweyne Trump uu u magacaabay dalka Venezuela oo ay ka tagan yihiin khakhalaaso siyaasadeed ayaa su’aalo adag kala kulmay  su’aalo adag kala kulmay Ilhan Omar oo ka mid ah guddiga arrimaha dibedda Congress ka Mafeykanka.

Elliott Abrams oo horyimid guddiga arrimaha dibadda ee Kongres-ka oo Ilhaan ay ka tirsan tahay ayaa waxay sheegtay in aysan garaneyn sababta guddigaasi iyo shacabka Mareykanka ba ay u aamini karaan ninkan, madaama bay tiri uu horay ugu lug lahaa dhibaatooyin ka dhacay dalka Elsalvador oo horay ay uga dhaceen dagaalo sokeeye iyo arrimo la xiriira dalka Iraan.

Elliott Abrams oo ah diblomaasi rug cadaa ah, aadna looga ixtiraamo Mareykanka horay na ula soo shaqeeyay madaxweynayaasha kala ah Ronald Reagan iyo George W. Bush ayaa u muuqday nin ka xanaaqay hadaladii Ilhaan Cumar.

“Sannadkii 1991 waxaad qiratay in laba mar aad aqalka Kongreska ka qarisay maclumaad la xiriira ku lug lahaanshahaada fadeexaddii Iraan, mana garanayo sababto caddeyn walba oo aad maanta bixiiso ay run ku noqon karto”. Sidaasi waxaa Elliott Abrams u sheegay Ilhaan Cumar.

Madaxweyne Trump oo siyaasadihiisu aysan la dhacsaneyn Ilhaan ayaa maalin kahor sheegay in Yuhuud naceybka aysan melnana uga banaaneyn Maraykanka.

“Ilhan Cumaar hadalkii ay tiri waa mid aad u xun, waxayna ila tahay inay iska casishaa aqalka Kongreska ama ay ugu yaraan isaga tagtaa xubinimada guddiga arrimaha dibadda ee aqalka,” ayuu yiri Trump.

Muranka hadda taagan ayaa yimid kadib markii lhaan Cumar ay sheegtay in xildhibanaada aqalka Kongreska ee taageersan Israa’iil ay dhaqaale ka helaan kooxaha taageera Yuhuuda, arrintaasi oo sababtay in gudoomiyaha Kongreska, Nancy Pelosi ay raali geli ka dalbato Ilhaan Cumar.

Waxaa kale oo uu sheegay in raali gelintii ay bixisay Ilhaan Cumar ay tahay mid daciif ah, oo waxaaa uu intaa raaciyay in hadalka kasoo yeeray Ilhaan uu yahay mid ay si weyn u aaminsan tahay.

Ilhaan ayaa u muuqato qof aad uga soo horjeeda qorsha walba oo uu madaxweyne Trump damac sanyahay, waxaase aan la ogeyn halka ay ku dambeyn doonto arrintan, maadaama Ilhaan ay ka tirsan tahay guddiga arrimaha dibadda ee Mareykanka oo ah mid si gooni ah u taabaneysa siyaasadha Trump iyo xulafadiisa.

BBC

HargeisaPress News Desk- Hargeysa

info@hargeisapress.com

LEAVE A REPLY