Ilhaan Omar oo Ka Hadashay Burburintii Shirkadda Isgaadhsiinta Hormuud

0
842

Washigton (Hargeisa Press)- Ilhaan Omar oo ka mid ah Wakiilada Congaress -ka Mareykanka ayaa ka hadashay markii ugu horeysay burburintii ugu danbeysay oo ciidamada Kenya ay kula kaceen shirkad Isgaadhsiinta Hormuud.

Qoraal  kooban oo ay soo dhigtay boggeeda  Twitter ka ayay ku sheegtay in  Ciidamada Dowladda Soomaaliya iyo kuwa howlgalka Midowga Africa AMISOM looga baahan yahay in ay difaacaan  Xarumaha Shirkadda Hormuud iyo guud ahaan Shirkadaha kale oo kordhiyay  dhaqaalaha Soomaaliya.

”Dowladda Somalia iyo Ciidamada Nabad Ilaalintu waxaa laga rabaa inay ilaaliyaan Shirkadda Hormuud iyo dhamaan shirkadaha kale oo qaadhaan weyn ku leh Somalia adeegyo muhiim ahna bixiya, mar aan Soomalia tegay sanadkii 2011 ayaan la yaabay sida tiknolojiyadda meel sare u gaadhay Somalia ayay tidhi Ilhan Cumar.

Dowladda Soomaaliya ayaa dhankeeda sheegtay in ay baadheyso tallabadii ugu danbeysay oo ay qaadeen ciidamada AMISOM oo ay ku burburiyeen xaruntii shirkadda Hormuud ee deegaanka Cows-Qurun ee gobolka Gedo.

Hargeisa Press.com/Hargeisa Office.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here