Ilhaan Cumar oo Dalbatay In Laga Furo Ninkeeda

0
672

Washigton (Hargeisa Press)- Xildhibaanadda gobolka minsota ku matasha Aqalka sare Mareykanka Ihaan Cumar ayaa dacwad furitaan ah ka gudbisay seeygeeda Axmed Xirsi.

Ihaan Cumar ayaa waxay dacwadda u gudbisay Maxkamada gobolka Minnesota.

Ilhaan iyo Xirsi ayaa waxay isguursadeen sannadkii 200-dii waxayna kala tageen 2008-ddii Waxay kaddib guursatay nin kale oo lagu magacaabo Axmed – oo haysta dhalashada Ingiriiska Ahmed Elmi – oo jooga Minneapolis 2009, markan waxay ahayd mid rasmi ah oo dokumentiyada sharciga ah iyo wax walba leh.

Si kastaba ha noqotee, waxaa lagu soo waramayaa inay kala tageen 2011 oo uu ku laabtay UK … laakiin si sharci ah looma furin ilaa iyo 2017-kii. ka dibna waxay dib isu guursadeen sanaddii 2018-kii Axmed Xirsi.

“Khilaafka lammaanahaan ayaa waxa uu gaadhay meel aan ka soo noqosha lahayn,” Sidaasi waxaa sheegay maxkamadda Minnesota ee dacwadda loo gudbiyay.

Waxay ilhaan sheegtay inay raadinayso sharci ilaalinaya caruurta waxayna maxkamadda weydiisatay inay u ogolaato goob sharciga waafaqsan oo si wada jir ah loogu hayo 3-deeda caruur.

 

Hargeisa Press Desk/Hargeisa Office.

LEAVE A REPLY