Ila Dhugo: “Abaaloow Ku Gudiwaayay…”

0
836

Waa qiso waaqici ah oo aan ka qoray mar aan raashin u qaybinayay dad masaakiin ah.
“We never know the love of a parent till we become parents ourselves”…

Wax kasta markaad waydo, ayaad ogaanaysaa qiimaha uu lahaa, Indhahaygu ayaan daranaa.

Waxaan la kulmay Hooyo afar Jawaan oo Raashin ah ilaashanaysa.

Waxay ka mid ahayd dadkii ururka khayriga ah ee Afur Kal-kaal raashinka u qaybinayay.
Afartan jawaan wax weyn bay ugu fadhiyaan, cidna ma aaminsana, miciin la qaadana ma haysato.

Way kacdaa oo wax kula qaada doono ayay is tidhaahdaa hada na way fadhisataa, oo hareeraheeda ayay ka wel-wel qabtaa in raashinkan laga qaato.

Masuuliyadda waalid ayaa ku khasbaysa inay nolosheeda iyadu maarayso, Gadbadii Jawaanka ahayd ayay jiidaysaa, Dhabarkeeda itaal dari inuu dilaaco ayuu ku dhaw yahay.
Aaheey ah… waan jidhiidhicooday, aniga amakaag la yaabiyo, talo igu adkaatay, arrin lama filaaniyo igu noqay af kala qaad.

Waxaa igubaya waayaha xasuusta leh, baryo wixii la soo maray, waalidkay iyo sidii la igu soo koriyay ayaa igu soo booday, Abaalow ku gudi waayay.

Waalidkay ma noola, ruuxdoodii iyo rooxaantoodiina igama maqna, duruufo badan ayay igaga gudbanaayeen, xaalad kasta oo aan soo maray waligood iimay caban, imanay dareensiin in wax la waayay, Waalidku waa naxariis, neecow, iyo naruuro waarta.
Waa birr iyo dhagax, waa dhigane aan la dhamaynayn, quudkaagana dhimbiilo dhexdoodbay kala soo baxaan.

Dabiib iyo daawo ayay nolosheena u yihiin, waa hal-qabsi, Xanuunbaabiiye ah oo bogsiiya nabaradda kusoo gaadha. “oo waxaad arkaysaa oday wayn oo xanuunsanaya oo ku hadaaqaya xanuunkana isu dhaafinaya oo leh Alla hooyooy”.

Waa dareen iyo jacayl, dayr iyo dugsi dhaxanta laga galo,

Waa dadaal iyo tusaale dhab ah oo lagu daydo,

Waa tudhaale aan xad lahayn, waxaa ku lamaan Jacayl ruuxiya oo aan sabab lahayn(Unconditional Love).

Waa aqoon sidayaal rabaani ah oo nolosha dhadhan u sameeya,
Waa raad khad leh oo quluubta ku reeba dhigaal aan la maydhi karin,
Waa xishood iyo xayndaab ku hagaya oo soo saara qof han iyo himilo leh,
Waa Xamaali lagu shaqaysto oo cida uu u shaqaynayo, raali ka ah canaantooda naxariis iyo abaalmarina cidna ka sugin,
Waa madaalayaal shaqadoodu dhamaan ilaa ay ka god galayaan.

Noloshu guul qudha maaha ee waa inaad ka daacad noqotid camalka aad hayso, Waalidkuna waa tusaalaha kaliya ee jacaylka ubadkooda siiyaan ka daacad yihiin, una mara dhibkasta sidii ubadkaasi ay ugu korin lahaayeen ilaa uu ka tisqaadayo, Bulshaduna waa inay waalidiinta garab unoqdaan oo dhibta la qaybsadaan.

Qalinkii: Axmed-yaasiin Sheekh Cumar Axmed

Hargaysa/Somaliland.

LEAVE A REPLY