“Ii Oggolaada Inaan Ahay Oday Dhaqameed Reer Yurub Ah oo Somaliland Jooga…” Safiirka EU

0
702

Hargeisa (HargeisaPress)- Safiirka Midawga Yurub u Qaabbilsan Somaliland iyo Soomaaliya Amb. Nicolás Berlanga Martínez oo ka mid ahaa Diblamaasiyiinta ka qaybgalay Bandhigga Bugaagta, ayaa ka hadlay Nabadgelyada, degganaanshaha  iyo xasilloonida ka jirta Somaliland, waxaanu sheegay inay tahay wax lagu faano waxa  ay qabsatay Somaliland.

Ambassador Nicolás Berlanga Martínez, waxa uu markii uu ka hadlayay Madasha si lama filaan ah ugu Lebistay Koofiyadda Odayaasha iyo Cumaamadda Madaxda dhaqanka Soomaalidu qaadato oo uu madaxa iyo garabka saartay, isagoo muujinaya dhaqanka ay ka turjumayso Xarunta Dhaqanka ee Hargeysa oo boqollaal qof oo Soomaali iyo Ajaanib ah ay ka qaybgaleen.

“Maanta (shalay) ii oggolaada inaan ahay Oday dhaqameed reer Yurub ah oo Somaliland jooga. Farxad bay ii tahay inaan arko Buugaag ku qoran afaf kala duwan iyo kuwo ay sixitaan ku samaysay xarunta dhaqanka ee Hargeysa. Midawga Yurub farxad bay u tahay inuu taageero arrimaha noocan oo kale ah.” ayuu yidhi.

Ambassador Berlanga ayaa mar keliya munaasibaddii u beddelay sacab iyo qosol lagu soo dhowaynayo lebiska uu xidhay iyo siduu u beddelay muuqaalka manbarka isla teegay markii uu kacay.

Hargeisa Press.com/Hargeisa Somaliland.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here