“Igu dhex tuura si kale waan ku bur-burin kari waayee”… Farmaajo

0
744

Dagaalka Farmaajo ee Somaliland waxa uu bilaabay isaga oo Maraykan jooga oo qurba joog ah, wax cusub ma aha, wakhtigii laga dhigay Raysal wasaaraha xukuumadii Sh. Shariif-na waxa bilaabay inuu Somaliland qalalaase ka abuuro isaga oo wakhtigaa doonayey inuu ka faa’iidaysto shaqaaqooyin ka jiray meelo ka mid ah Laascaanood iyo Buuhoodle.

Wakhtigii uu xilka madaxweynaha qabtayna waxa uu bilaabay inuu quudhsado Somaliland waxa hadalladiisa quudhsiga iyo aqoondarrida ahi ka muuqdeen marka uu ka hadlayo Somaliland siiba xusaskii wakhtigii ay Somaliland xorriyada ka qaadatay Ingiriiska 26 June 1960.

Marar badan oo lagula taliyey inuu Somaliland wada hadal la furo ama uu kuwii socday sii amba qaado wuu ka warwareegayey waxaana uu ku taamayey inuu si siyaasan ah, go’doomin iyo kala fur-fur uu ku keeni karo .

Wuxuu ka xishoon waayey waxyaabihii lagu heshiiyey in aan la siyaasadayn ee horumarinta Bulshada ahaa. Waxa uu warqad u qoray Beesha caalamka oo ka dalbaday in laga joojiyey caawimada iyo waxqabadka, iyada oo dadka reer Somaliland ay Somali yihiin xitaa dhulkuna uu dhul Somali leedahay yahay.

Wuxuu is hortaagay waxyaabo badan sida eshiiskii Dekedda Berber, Jidka loo yaqaano Berbera Corridor Itoobiya iyo Somaliland.

Markay Somaliland debbeda tago wuxuu u quudhi waayaa sida loo soo dhoweeyo, aad ayey u gubtaa marka uu arko Madaxweyne Somaliland ah oo la soo dhoweynayo, waa ninkii inoo quudhi waayey markii Muuse Biixi lagu soo dhoweeyey Guinea iyo Imaraadka.

Waxa kale oo dadku ogyahay dhowaan markii uu lahaa waxaan Raali gelin ka bixinayaa xasuuqii loo geystay Somaliland waxay ahayd been iyo Gole kaga kac. Waxa xaqiiqo ah in aanay niyo ka ahayn markii uu hadlaayeyna waa laga arkaayey muuqaalkiisa.

Intii uu xilka hayey oo dhan Farmaajo waxa uu ku foognaa fara gelinta iyo dagaalka Somaliland. Wakhtigan waxa xaalkiisu noqday Somaliland igeeya oo igu dhex tuura si kale ku burburin kari waayeye.

Abiy Axmed ayuu leeyahay dusha igu qaad oo Hargeysa iga deji. Orodka ugu weyn ee ku jiraana waa sidii uu mar kale xilka ugu soo noqon lahaa, waxaana arrinka la wada dawlado dan ka leh Somaliya.

Sida la ogyahay bilo ayaa ka hadhay muddo xileedkiisa in kasta oo uu doonayo inuu korodhsado, waxa kale oo doonayaa inuu Booqashada Jujuubka ah ee Hargeysa uu ka dhigto taariikh iyo inuu ku ololeeyo.

Dad qaar ayaa leh Somaliland way soo debecday oo duruuf dhaqaale iyo caadaadis dunida ah ayaa haysta waa been hadalkaas. Wakhtiyo ay Somaliland intan ka awood darayd kana dhaqaale yarayd, maamul ahaana aanay jirin ayaa jiray balse may wiiqmin.

Waxaan marar Badan, Badan, Badan la maqlaa Maamulka Muqdisho ee dalka oo dhan sheeganaya oo ciidankiisu Mushahaar ka cabanayaan oo gadood sameeyey, sidoo kale maamul goboleedyo sheegta in ay muddo hore dhismeen ayaa la arkay ciidankooda oo mushahaar la’aani ku dhacday oo gadood sameeyey oo Banka qabsaday. Mar hore iyo mar danbe lama maqlin ciidan Somaliland oo mushahar ka cabanaya ama gadood sameeyey.

Waxa dhab ah in ay isku tashadeen, waa sababta loo mari waayey taas waxa qira marar badan cadowgeeda.

Siyaad Bare xilligii uu dadka xasuuqayey guul ayuu ku keeni waayey ka dibna Itoobiya ayaa soo maray, waxa uu Mingeste kula shiray halkii uu sanad ka hore Farmaajo kula shiray Abiye Axmed isaga oo ka doonayey in loo qabto maamul gobolleedyadii Jubba Land iyo Koonfur Galbeed. Sheekadii tii ayey u eeg tahay.

Sheekadii xilligii Mingeste Raggii wakhtigaas joogay ee lagu yidhi “Way idiin dhammaatay maanta way joogaan haddii maantana lagu dayo oo ay u debcaan waa iyaga iyo Raggnimadooda.

By: Xasan Xuseen

Hargeysa Somaliland.

LEAVE A REPLY