Hudheel Casriya Oo Laga Furay Magaaladda Laascaanood

0
1375

Laascaanood (Hargeisa Press.com): Isbedel weyn oo dhinaca horumarka ayaa mudooyinkan danbe laga dareemayaa magaaladda Laascaanood ee xarunta gobolka Sool, kaasoo wax weyn ka bedelay bilicda magaaladaasi.

Hudheel magaciisa loo bixiyay Casuura ayaa laga furay magaaladda Laascaanood, kaasoo isugu jira qaybo kala duwan oo ah Huradadda, cuntadda, makhaayad Shaah, qaybo lagu nasto iyo hoolal shirarka loogu tallo galay.

Munaasibad loo sameeyay furitaanka hudheelkaasi ayaa waxa ka soo qayb galay masuuliyiin, ganacsato, madax dhaqameed iyo dad weyne kale.

Halkan Ka Daawo Hadaladii Laga Jeediyay Fuirtaanka Hudheelkaasi:

Hargeisa Press.com/Hargaysa Somaliland.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here