Hotel Ku Yaalla Muqdisho oo Qarax Lala Beegsaday iyo Dabley Gashay

0
1118

Muqdisho (Hargeisa Press) — Qarax xooggan ayaa ka dhacay hotelka Afrik ee magaalada Muqdisho, oo ku yaalla waddo aada garoonka diyaaradaha ee Aadan Cadde.

Warar horudhac ah ayaa sheegaya in dabley la rumeysan yahay inay yihiin Al-Shabaab ay galeen hoteelka, islamarkaana ay rasaas xooggan is-weydaarsadeen ciidamada amniga Soomaaliya.

Wali waxaa la maqlayaa rasaas culus oo ay is weydaarsanayaan ciidamada Soomaaliya iyo koox dabley ah oo gudaha u gashay Hoteelka Afrik ee magaalada Muqdisho.

Illaa iyo hadda lama oga khasaaraha ka dhashay qaraxan iyo weerarka xigay, mana jiraan mas’uuliyiin ka hadlay weerarka.

“Baabuur xowli ku socda ayaa ku qarxay meel u dhow hotelka iyo bar control, waxaana xigay rasaas xooggan,” waxaa sidaas yidhi Cali Cabdullaahi oo goob ganacsi ku leh aagga, lana hadlay Reuters.

Cali ayaa intaas ku daray inuu rumeysan yahay inay dabley galeen hotelka.

Ciidamada amniga Soomaaliya ayaa lagu warramayaa inay aagga isku hareereeyeen.

Afhayeenka booliiska Soomaaliya Saadaq Cali ayaa sheegay in dad badan laga soo bad-baadiyey hotelka, balse uu rumeysan yahay inuu khasaare nafeed jiro. Wuxuu intaas ku daray inuu howgal socdo.

Kooxda Al-Shabaab ayaa sheegatay mas’uuliyadda weerarka.

LEAVE A REPLY