Horumarba xukuumada siilaanyo ayaa inoogu horaysay W/Q: nimco nuur

0
974

Tan iyo markii aynu dib ula soo noqonay xoriyadeena 1991kii isbadalo badan oo dhinacyo kala duwana ayaa ina soo maraya  kuwaasi oo isugu jiray, horusocodka  dawladnimo iyo iyo dib udhiska dalka,

Sadexdii xukuumadood ee ka horeeyey  xukuumada madaxweyne siilaanyo , dhidabada ayey u aaseen dawladnimadeena iyo jiritaanka Somaliland waana mid aad loogu amaano oo markasta,

Sidoo kale lama odhan karo waa ay ka madhnaayeen dhinaca horumarka ee qaybtooda ayey ka qaateen haday noqon lahayd dib udhiska dalka iyo horumarinta adeegyada bulshada intii karaan kooda ahayd,

Balse waxa sida cadceeda u cad in xukuumada uu haatan uu madaxda ka  yahay madaxweyne siilaanyo ay dalka ku hogaamisay horumarkii dhabta ahaa, kaas oo isugu jira, haorumarinta adeegyada bulshada , kor u qaadida , haybada dawladnimo ,dib u dhiska dalka, iyo qurxinta goobaha muhiimka u ah qaranka ,

Hawlkarnida ay xukuumadani ku wanaajisay adeegyada dawlada waxa la odhan karaa waa mid ay kaga horayso dhamaan dawladihii dalka soo maray ,

Hadii aynu isnidhaahno mid mid uga warama waxqabadyada iyo hurumarada ay samaysay xukumadani kama gayoonayno, sababta oo ah bilkasta iyo sanadkasta waxaad aragtaan buugaag dhan oo laga samaynayo waxqabadyada xukuumada ,

Sidaa daraadeed waxa aynu isku dayi doonaa bal in aynu wax yar ka taataabano dhinacyada ugu muhiimsan ee  horumarka laga sameeyey,

Intii ay xukuumadani talada dalka haysay kuwaasi oo noqday qaar taariikhda u galay oo waligood lagu xasuusan doona ,

Dhinacyada ugu muhiimsan waxa laga xusi karaa, dib u dhiska dalka oo ay gaadhsiiyeen meel aan walligeed Somaliland gaadhin, dib u dhiskaasi oo u qaybsama laba qaybood oo kala ah ,

Dib u dhiska dhismayaasha dawlada , iyo samaynta  wadooyinka tirada badan ee dalka ka socda kuawaasi oo aan hore Somaliland intii ay jirtayba looga hirgalinin, indhihii caafimaad qabaan way arkayaan oo sharaxaad badan u ma baahna ,

Kor u qaadida haybada dawladnimo , oo u kala baxaysa laba  qaybood, kuwaasoo kala ah ,  kor u qaadida haybada ciidamada kala duwan  ee qarankeenani leeyahay, markii ugu horysay taariikhda Somaliland ayey xukuumadani ciidamada siisay darajooyinkii ka dhinaa , kuwaasi oo dhamaystiray dawladinamadeena ,

Dhinaca kale xukuumadani waxa ay wanaajisay oo ay kor u qaaday haybada shaqada dawlada taas oo maanta noqotay  mid loogu jecel yahay

Ugu danbayn xukuumada axmed siilaanyo waa xukuumadii ugu horaysay ee maamulka iyo talada dalka u furtay am aka qayb galisay inta badan dhalinyarada iyo haweenka Somaliland ,

 

 

W/Q: nimco nuur

Email : nimco1432015@hotmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here