Hordhaca Kulanka Caawa Ee Chelsea vs Liverpool

0
1968

London (Hargeisa Press)- Kooxaha Chelsea iyo Liverpool ayaa caawa iskaga hor imanaya kulan aad u adag oo ay ka tirsan koobka Horyaal Premier League.

Chelsea ayaa wajahaysa tijaabo kale oo adag oo la xidhiidha inay ku dhameysan karaan afarta sarre marka ay caawa garoonka Stamford Bridge ku soo dhaweeyaan kooxda hogaanka heysa ee Liverpool.

Guul weyn oo ay ka soo gaadheen Wolves kulankoodii ugu danbeeyay ee Premier League ayaa niyada u dhisay kooxda Frank Lampard laakiin guuldaradii ka soo gaadhay Valencia bartamihii isbuucan ayaa dib u dishay kalsoonidooda.

Dhanka kale Liverpool ayaa soo wada badisay dhamaan shantii kulan ee ay ciyaareen horyaalka, waxaana ay hogaanka ku hayaan labo dhibcood, iyagoo rajeynaya inay guul weyn ka gaadhaan Blues.

Laakiin Reds waxaa iyagana bartamihii isbuucan soo garaacday Napoli kulankii Champions League, waxayna raadinayaa qaab ciyaareed ay dib ugu dhisaan kalsoonidooda.

  • Chelsea vs Liverpool
  • Premier League 2019-20
  • Garoonka: Stamford Bridge
  • Taariikhda: Axada 22ka September, 2019
  • Waqtiga: 6.30pm Saacada Geeska Afrika

Xiddiga Chelsea Mason Mount ayaa wajahaya baadhitaan xilli danbe ah ka dib dhaawac soo gaadhay kulankii Champions League.

N’Golo Kante ayaa u tartamaya inuu ku soo bilowdo ka dib markii uu tababarka ku soo laabtay halka Emerson Palmieri uu shaki ku jiro mar kale.

Divock Origi uma badna inuu ciyaari karo sida uu sheegay tababaraha Reds Jurgen Klopp madaama uu dhaawac qabo.

Naby Keita ayaa ku soo laabtay tababarka buuxa halka goolhaye Alisson iyo daafaca Nathaniel Clyne ay labaduba dhaawac ku maqan yihiin.

Shaxda Macquulka Ah

Chelsea XI: Kepa, Azpilicueta, Tomori, Christensen, Azpilicueta; Jorginho, Kante, Kovacic; Willian, Abraham, Pulisic

Liverpool XI: Adrian, Alexander-Arnold, Matip, Van Dijk, Robertson; Henderson, Fabinho, Wijnaldum, Salah, Firmino, Mane

Liverpool waxa ay ku jirtaa qaab ciyaareed aad u fiican wakhti xaadirkaan, waxaana ay cadaadis weyn saari kartaa Chelsea kuwaasoo guul weyn ka soo gaadhay Wolves kulankoodii ugu danbeeyay.

Roberto Firmino iyo Sadio Mane waxa ay ku jiraan qaab ciyaareedkoodii ugu fiicnaa, waxaana saadaasha ay tahay inay Reds ku hogaamin karaan guul ay isku ilowsiiyaan guuldaradii Napoli ee Champions League.

 

Hargeisa Press.com/Hargeisa Office.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here