“”Waxaan leeyahay hooyooyinka la qixinayo ha loo tudho…”

0
591

Laascaanood (HP): Agaasimaha guriga madaxtooyadda magaaladda Laascaanood ayaa ugu baaqay Garraadda ku shiraya Laascaanood in ay ka taliyaan masiirka ummada Sool.
Waxaanay ku talisay in bulshadda Sool ay ogaadaan qiimaha ay nabad-geliyadu leeyahay, isla markaana ay baro-kicin ku hayaan dad danno gaar ah huwan oo aan wanaagoodda ka talinaynin.
Agaasimaha ayaa ugu baaqday shaqsiyaadka danaha gaarka ah leh ee doonaya in ay qixiyaan bulshadda Laascaanood in ay u tudhaan dadka maatida ah iyo hooyooyinka la dhibaataynayo.

Geesta kale agaasimaha guriga madaxtooyadda Laascaanood waxay tilmaantay in aanay wax b aka jirin dacaayadaha la faafiyay ee lagu sheegay in Somaliland ciidankeedu uu ka soo qaxay Sool.

Dhinaca kale waxay sheegtay in madaxweynaha jamhuuriyadda Somaliland uu mar kasta ka shaqaynayo nabad-geliyadda, iyo horumarka bulshadda gobolka Sool.

DAAWO: Agaasimaha guriga madaxtooyadda Laascaanood oo baaq u dirtay Garraadda:

Hargeisa Press.com/Hargeisa Office.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here