Hooyo Ubadkii Ay Dhashay laga Soo Eryey Goobihi Waxbarashada

0
662

Hargeysa (HP): Hooyo Fadxiya Maxamed Jaamac, waa hooyo degan magaaladda Hargeysa, gaar ahaan xaafadda Isha Boorama ee degmadda 31-ka May.

Hooyo Fadxiya, waxay haysata sagaal caruur ah, saddex ka mida ayaa wax barta, halka lixda kale ay guriga u joogaan kadib markii laga soo eryey madaaristii Quraanka ee ay dhinayeen  kadib markii ay tahli wayday inay ka bixiso lacagta bisha.

Waxaa ay nolosha qoyskeedu ku tiirsaneyd in ay hadba meeshi dhisme ka socdo ay cuntada ku kariso, balse hada dhismihii oo istaagay waxaa ay sheegtay in aanay muddo hal sano ah qabanin wax shaqo ah.

Hooyadan waxay caddeysay in ay tahli kari weyday in ubadkeedu sida dadka kale ay iskuuladda wax ka bartaan kadib markii ay u weyday lacag ay meel ku geyso, dugsiyadii iyo madaaristii ay geysayna badhkoodna ay qabsadeen lacag badan badhkoodna ay soo eryeen.

 “Iskuuladda dawladda ayaan dhawr jeer geeyay, oo midi Alif-doon yahay midna Maxamed Cali Dayib yahay, ‘waxay igu yidhaaheen balcadii iyo fadhiisin ayaa laga doonayaa’, deetana saddex ayaan geeyay oo waxaan ku idhi ama fadhisiinka iga daaya, ama balcadda waala i diiday waan iska soo noqday waan iska daayay malcaamado ayaan ku daray mid walba marka ay laba bilood dhigtaan ayaa la igu soo eryi jiray, ee bishi kale aan shaqadii waayo ee aan soo fadhiisto”.

 “Sidaasi ayaa marka carruurtu waxbarashada uga hadheenb, marnaba waxba maan heyn odeygeyguna waa odey bukaana ayuu ahaa markii waxbaba isu key dabooli waayeen ayaan iska daayay, marka saddex carruura ayaa midna iskuul la baryey midna inanba ii geysay mid, wey iska joogaan oo qolka jiingada ah ayuunbaanu iskaga xareysanahay oo ILLAAHEY uunba xaalkayaga og”ayay tidhi hooyadani.

Iyadoo hadalka sii wadatayna waxay tidhi, “Waxay u baahan yihiin iskuul, marka hore ee aad geyneyso ayaa lagu wada weydiinayaa lacag fadhiisina oo qofkiiba 90-kuna, iyo waxaa lagu weydiinayaa balcadii oo barooya.

 Markaa labadiiba midna aanad u kareyn ee aad istidhi boqolkun bal in aad uu fadhiisinka noqdo oo bila balcad heygu dhigte hadaan lagu yeeleyn maxaa iskuulkii bilaash ku yahay ee lagu geynayaa, wasaaradda waxbarashada waxaan ka codsanaya in lixda carruura ay wax ii baraan”/

Hooyo Fadxiya Maxamed Jaamac waxaa ay si dareen tabaasha leh ay daboolka uga qaaday in saddexda waxbarta mooyaane lixda kale ay guriga uun u joogaan.

 “Carruurteydu waa sagaal, saddex ayaa wax ii barta anigu balcad iyo bilba waan u waayay, dhismahana wax waan ku kar karin jiray, dhismihiina wax maalin walba la helayo maaha, markaan waxbarasho u waayay saddexda carruura bini’aadam ayaa iga bixiya ILLAAHEY kheyr ha siiyo, inta kale guriga ayay igu xareysan yihiin, waan u waaya waxbarasho.

 waxaan Quraan kaga bixiyo, waxaan balcad u siiyo, wax aan iskuul ku geeyo, lixda qof ee kale guriga ayay igu xareysan yihiin, waxaa wax lagu noqda waa waxbarashade waxaan jecla’aan lahaa inay ubadku waxbarasho ii hellaan, waxaan is leeyahay noloshaadu waa is badeli laheyd”ayay tidhi hooyadani.

“Saddexda wakhti marna waan u kariya, laakiin inta badan mar walba ma karsano, mararka qaar ayaa shan iyo tobanka kun aduunkayagu yahay oo aanu odeyguna waxba heynin, oo hadaan doono in yar oo shaaha iyo in roodhiya u soo qaada, oo habbeenkiina ay sidaasi ku seexdaan maalintiina aanu iska joogna macaa kaa yar ee dhashay”Ayey tidhi mar ay ka hadleysay carruurteedu waxa ay cunaan saddexda xili.

Gaba-gabadii Hooyo Fadxiya Maxamed Jaamac waxaa ay qofkasta oo Islaama ay ka codsaneysa ILLAAHEY-ba wax bixiye in wax lala qabto oo laga taageero waxbarasho la’aanta ubadkeeda, iyo duruufaha kale ee dhanka dhaqaalaha ee ku gadaaman.

Cidii wax ku tareysaana ha kala xidhiidho telefoonkeeda gacanta oo ah 0634745175.

Hargeisa Press.com/Hargaysa Office.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here