Holland: Gudoomiyaha Jaaliyada Oo Dhambaal Hambalyo ah u diraya Shacabka Somaliland

0
845

Waxaan hambalyo Iyo dabaal Daag uu gudbinayaa dhamaan shicibka reer Somaliland gudo Iyo dibadba,Anaga oo Ku hambalyay-naya munasiibada xuska 18ka May oo Ku beegan maalinta Bari ah.

Xukuumada, Golayaasha Qaranka, Xisbiyada Qaranka Somaliland  iyo  dhamaan shacabka reer Somaliland meel kasta oo ay adduunka ka joogaa, gaar ahaan shacabka reer Somaliland ee ku nool dalkan Netherlands, waxana idiin ku hanbalyeynaynaa  dabaal dega sannad guurada 29aad ee kasoo wareegtay Madax banaanida somaliland.

Ilaa 1991-kii waxaynu qabsannay wax badan oo ina anfacay. Waxaynuna maraynaa meel taariikhi ah, waxaynu u baahanay in aynu dedaalkeena xoojinno, taasoo aynu ku kasban doono inaynu noqonno wadan kamida dunida la aqoonsanyahay. Aynu u ducayno dadkii kusoo tabcay waxa aynu haysanno maanta, aynuna u dedaal gallo dhamaystirka inta inoo hadhay Inshallah”

Ugu danabyntii waxaan shacabka ka reer somaliland ka codsaday in loo duceeyo intii ka soo shaqaysay iyo intii Naftoodaba uu huuray horumarka Somaliland.

Ramadan Kariim
Alla Mahad Leh

Guddoomiye Jaaliyadaha Netherlands – Mohmoud Abdalla digaale

Wariye Cabdikariin qoorgaab

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here