Hoggaamiyaha Isbahaysiga Thirdway Alliance oo Dawladda Kenya ku Dhaliilay inay ka Gaabisay Xidhiidhka ka Dhexeeya Somaliland

0
824
Hoggaamiyaha Isbahaysiga Thirdway Alliance ee dalka Kenya, Dr. Ekuru Aukot,

“Somaliland waxay innaga baryeysay  in ay Kenya  ka furato Xafiis Hargeysa, Waxaynu u diidnay innagoo tixgelinayna Jamhuuriyada Argagixisadda ah ee Soomaaliya”

Nairobi,(HargeisaPress) —Hoggaamiyaha Isbahaysiga  Thirdway Alliance ee dalka Kenya, Dr. Ekuru Aukot, ayaa dawladda Kenya ku dhaliilay inay ka gaabisay sidii ay xidhiidh diblomaasiyadeed ula yeelan lahayd  Jamhuuriyadda Somaliland.

Dr. Ekuru Aukot oo ka hadlayey dood  ka baxday Telefishanka Ebru TV  Isniintii  la soo dhaafay oo lagu falanqeynayey xiisadda ka dhalatay cilaaqaadka Kenya iyo Soomaaliya oo xumaaday toddobaadkii la soo dhaafay,  waxaanu caddeeyey in Kenya ay  Xafiis diblomaasiyadeed uga furan weyday Somaliland,  iyadoo tixgelinaysa wax uu ugu yeedhay Jamhuuriyadda Argagixisada ah ee Soomaaliya.

“Somaliland waxay innaga baryeysay  in ay Kenya  ka furato Xafiis Hargeysa, Inkastoo Somaliland Nairobi ku leedahay Xafiis Ganacsi. Waxaynu u diidnay innagoo tixgelinayna Jamhuuriyada Argagixisadda ah ee Soomaaliya, Soomaaliya ayaa ku dirqiyaysa Kenya in aanay  xidhiidh la sameynin Somaliland,”ayuu yidhi Dr. Ekuru Aukot.

Siday Faafisay Wakaallada Wararka Somaliland (SOLNA) oo soo xigatay Telefishanka  Ebru TV, Hoggaamiyaha isbahaysiga Thirdway Alliance, ayaa sheegay   in dhibaatooyinta  ay Kenya kala kulmayso Soomaaliya sii soconayso  illaa ay Dawladda Kenya  xoojinayso  cilaaqaadka ay la leedahay  Somaliland isla markaana ay ciidammadeeda kala soo baxdo Soomaaliya.

Dr. Ekuru Aukot wuxuu sheegay in xudduuda u dhexaysa Kenya iyo Soomaaliya  aan wax calaamad ah lagu sameyn wixii ka dambeeyey markii ay dalalkaasi madax-bannaanida qaateen, waxaanu ku adkaystay in xalka kaliya ee muranka badda ee Kenya iyo Soomaaliya lagu xalin karo Maxkamadda caalamiga ah oo si rasmi ah uga garnaqda muranka xiisadda diblomaasiyadeed dhaliyey ee u dhexeeya Kenya iyo Soomaaliya.

LEAVE A REPLY