Hogaanka Cusub Ee Urur Siyaasadeedka WAABERI Oo La Doortay

0
121

Hargaysa (HP): Shir ay maanta magaaladda Hargaysa ku yeesheen aasaaseyaasha urur siyaasadeedka WAABERI, waxay ku doorteen hogaanka cusub ee ku-meel gaadhka ah ee ururkaasi.


Waxaana hogaanka cusub ee ku-meel gaadhka ah ee urur siyaasadeedka WAABERI, loo doortay afar xubnood oo xilal kala duwan ka hayanaya ururkaasi.
Guddoomiyaha ku-meel-gaadhka ah ee urur siyaasadeedka WAABERI ayaa loo doortay Cabdirisaaq Ibraahim Maxamed (Ataash), guddoomiye.
Guddoomiye ku xigeen Mustafe Maxmed Qodax, Cumar Shucayb Maxamed Guddoomiye ku xigeen, Salma Sheekh Cabdiraxman, xoghaye guud, Mustafe Maxamed Caqli.


Geesta kale shirkaasi maanta ee lagu dooranayay hogaanka cusub ee urur siyaasadeedka WAABERI, waxaa ka soo qayb galay siyaasiyiin, aqoon yahano, boqolaal taagereyaasha ururka ah oo isugu jiray haween, dhalinyarro iyo marti sharaf kale.
Guddoomiyaha ku-meel-gaadhka ah, ahna aasaasaha urur siyaasadeedka WAABERI Cabdirisaaq Ibraahim Maxamed (Ataash), oo khudbad ka jeediyay shirkaasi lagu dooranayay hogaanka ururka ayaa ka warbixiyay xubnahan cusub ee la doortay iyo qorsheyaasha siyaasadeed ee ururkaasi.

DAAWO: Khudbadii Guddoomiyaha Urur Siyaasadeedka Waaberi:


Hargeisa Press.com/Hargeisa Office.

LEAVE A REPLY