Hillary Clinton oo Shaacisay inay u Taagan tahay Xilka Madaxnimo ee Waddanka Mareykanka

0
802

Washington (CNN) — Hillary Rodham Clinton oo xoghaye arrimo dibadeed ka soo noqotay Mareykanaka ayaa ku dhawaaqday inay tahay musharraxad u taagan xilka madaxnimo ee Mareykanka sannadka 2016-ka.

Clinton ayaa sheegtay inay rajeynayso inay noqoto hormuudka riyada dadka caadiga ah ee Mareykanka. Iyadoo sheegtay inay u sharraxan tahay xibiga Dimoqraadiga ee talada dalkaas haya, iyadoo la tartami doonta musharax ka socda xisbiga Jamhuuriga ah ee dalka Mareykanka.

Hillary Clinton ayaa sanadihii 2009-kii – 2013-kii kasoo noqotay Mareykanka xoghayaha arrimaha dibadda, waxaana lagu xusuustaa doorkii ay ku alahayd siyaasadda arrimaha dibada Mareykanka.

Safarradii ay gashay intii ay xilka haysay ayaa lagu sheegay 102-jeer, balse waxaa lagu dhaliilaa inay isticmaalaysay email-keeda gaarka ahaa, taasoo su’aalo badan laga keenay.

Xisbiga mucaaradka ah ee Jamhuuriga ayaa u soo jeediyay cambaareyn ku aaddan weerarkii qunsuliyadda Mareykanka ee Benghazi lagu qaaday 2012-kii, halkaasoo lagu dilay dublamaasiyiin Mareykan ah.

Hillary Clinton ayaa billaabi doonta socdaal ay ku mari doonto Mareykanka oo dhan, iyadoo ku xoojinaysa ololaheeda doorashada. Waxaana taageeray murashaxnnimadeeda madaxweynaha Mareykanka Barack Obama.

Ugu dambbeyn, xogyihii hore ee Mareykanka, Hillary Clinton oo hadda 67-jir ah ayaa noqonaysa haweeneydii ugu horreeyay oo Mareykanka ah oo xilka madaxnimo ee dalkaas isku soo taagta.

 

HargeisaPress News Desk — Hargeysa
hargeisapress@gmail.com

LEAVE A REPLY