“Hiigsigayagu wuxuu yahay in aanu soo saarno shaqaale ku qalabaysan xirfad iyo…”

0
491

Hargeysa (HP): Agaasimaha fulinta ee Machadka hay’adda shaqaalaha dawladda Somaliland, Cumar Iid Qaloonbi, ayaa daboolka ka qaaday in higsigooda koobaad yahay in ay soo saaraan shaqaale dawladdeed oo ku qalabaysan xirfad iyo aqoon.

Sidoo kale waxa uu xusay in machadka hay’adda shaqaalada dawladda ee dalka Itoobiya ay ka wada hadleen sidii loo horumarinlahaa adeeg bixinta dhanka waxbarashada ee hadda ay bartaan arday hore uga tagay Somaliland, isla markaana ay ugu mihiimsan yihiin, biyaha, xoolaha, horumarinta reer miyiga.

Waxa kale oo uu sheegay in ay ku guulaysteen soo saaristii cilmibaadhistii u horraysay, ee rasmiya taas oo ay ka sameeyeen sidii shaqaalaha dawladdu ay u helilahaayeen adeeg bixin caafimaad oo jaban, dawladduna ay wax uga kabilahayd.

Waxaanu sidan ku wareysi gaar ah oo uu siiyay Tv-ga Qaranka Somaliland.

Dhanka kale waxa uu faahfaahin ka bixiyay kulan uu la yeeshay madaxda machadka shaqaalaha dawladda ee dalka Itoobiya iyo kulankoodaasi wixii ay diirada ku saareen.

Waxaanu yidhi.“Waxyaabaha aanu xooga saarnay waxa ka mida waxyaabihii aanu baahida weyn u qabnay, sida biyaha, degaanka, xoolaha, horumarinta reer guuraaga, ayaanu ardaydii u dirnay ay wax ka bartaan”

Cumar Iid isaga oo hadalkiisa sii wata waxa uu intaas ku daray.“Waxaan booqday jaamacada shaqaalaha dawladda oo ka mida jaamacadihii wada shaqeynta iyo iskaashiga dhinaca waxbarashada sare ah aanu wada lahayn ka machad shaqaale dawladeed ahaan.

Waxa ay soo saareen laba boqol iyo toban ka mida shaqaalaha dawladda Somaliland, oo maanta hay’addaha dawladda xilal kala duwan ka haya, qaarkood wasiiro noqdeen.

Waxa uu caddeeyay in hakadkii ku yimid adeeg bixintii waxbarasho ee u dhaxeeyay labada machad ee Itoobiya iyo Somaliland, xilligii Covid-19 uu mar kale dib u bilaabmayo.

Waxaanu yidhi.“Haddaba labadii sannadood ee u danbeeyay wax shaqaale dawladdeed ah maanan dirin, sababo la xidhiidha xannuunkii safmareenka ahaa ee Covid-19, waxaan u tagayna waxa ay ahayd sidii aan arrintaasi ugala soo xaajoonlahaa, waxaan la kulmay madaxdeeda kala duwan, madaxweynaha jaamacada iyo madaxda kaleba, waxa aanu isla afgaranay arrintaasi in dib loo bilaabo, marka marka la shaaciyo sannadkan haddii ILLAAHEY yidhaahdo shaqaalihii dawladda ee tagi jiray waanu dirayna,”

Waxa uu farta ku fiiqay waxyaabaha kulankaasi ay xooga ku saareen intii uu socday.

Waxaanu yidhi.“Waxyaabaha aanu xooga saarnay waxa ka mida waxyaabihii aanu baahida weyn u qabnay, sida biyaha, degaanka, xoolaha, horumarinta reer guuraaga, ayaanu ardaydii u dirnay ay wax ka bartaan”

Agaasime Cumar waxa kale oo uu is dultaagay wada shaqaynta ka dhaxaysa mid ka mida jaamacadaha dalka Gaana, oo ka caawisa tayeynta dhanka tababarada la xidhiidha kor u qaadista xirfada shaqaalaha dawladda.

Waxaanu yidhi.“Sidoo kale waxa aanu la xidhiidhnay jaamacada Gaana, arrimaha maamulka dawladda, waxa aanu iska kaashanaynaa tabbabarada shaqaalaha dawladda ee ku dhisan xirfada, mashruuca dib u habaynta dawladda, oo ay gadhwadeen hay’adda shaqaalaha dawladdu ka tahay, xoojinta tababarada shaqaalaha dawladda iyo xirfadooda shaqo, marka tabbabaro la xidhiidha sidii loo xoojinlaha shaqaalaha dawladda ayaanu iyaga iska kaashana, waxaanu jecelahay xidhiidhka Itoobiya aanu la leenahy mid la mida in aanu yeelano oo aanu sii horumarino haddii ILLAAHEY yidhaahdo”

Isaga oo hadalkiisa sii wata waxa uu daboolka ka qaaday in higsiigooda koobaad yahay in ay soo saaraan shaqaale dawladdeed oo ku qalabaysan xirfad iyo aqoon.

Waxaanu yidhi.“Hiigsigayaga koobaad waxa uu yahay in aanu soo saarno shaqaale dawladeed oo ku qalabaysan xirfad iyo aqoon, oo aad fulinta dawladda wax fiican ku yeesha, waxaanu rabnaa in aanu sii horumarino.”

“Waxa ku qoran xeerka madaxweynaha in shaqaalaha dawladdu la meeqaam noqdaan isla markaana la karti noqdaan shaqaala weynaha dalalka caalamka ee heer caalami, hiigsigayaguna waxa uu yahay in aanu soo saarno shaqaale dawladeed oo xirfad iyo aqoon sarre leh,”Ayuu yidhi agaasime Cumar.

Waxa kale oo uu iftiimiyay ujeedada ugu weyn ee machadka tabbabarka shaqaalaha dawladdu yahay sidii ay wax la taaban karo ugu soo kordhin lahaayeen adeeg bixinta shaqaalaha dawladda.

Waxaanu yidhi.“Ujeedkayaga u weynina waxa uu yahay in wax la taaban karro aanu ku soo kordhino hannaanka adeeg bixinta shaqada dawlada, in aanu horumarino aqoontii shaqaalaha dawladda, in aanu aqoonta ku saleysan xirfada ee shaqaalaha dawladda in aanu xoojino oo oo marba anaga oo baahida qofka iyo shaqada uu hayo iyo adeega la rabbo in qofka dawladdu la rabo in la bixinayo anago eegayna in aanu u diyaarino qofkii shaqaalaha dawladda xirfadii iyo aqoontii shaqo ee uu ku gudanlahaa shaqada uu hayo,”

Waxa kale oo uu sheegay in ay ku guulaysteen soo saaristii cilmibaadhistii u horraysay, ee rasmiya taas oo ay ka sameeyeen sidii shaqaalaha dawladdu ay u helilahaayeen adeeg bixin caafimaad oo jaban, dawladduna ay wax uga kabilahayd.

Waxaanu yidhi.“Waxa sidoo kale aanu rabna in aanu xoojino dhinaca cilmi baadhista, sannadkii oo koobaad imika waxa aanu soo saarnay cilmibaadhistii u horraysay oo rasmiya, ahaydna sidii shaqaalaha dawladdu ay ku helilahaayeen adeeg bixin caafimaad oo jaban, dawladduna ay wax uga kabilahayd, cisbitaalada lala xidhiidhaya ay wax uga kabilayeen, sannadkan iyadana waxa aanu gacanta ku hayna cilmibaadhis kale oo xagga macalimiinta ah, ujeedadayaduna waxa ay tahay hay’addihii dawladda in aanu ka kabno in aanu soo saarno cilmibaadhiso ay go’aan ku qaadan karaan, si horumarinta kala duwan ee hay’addaha dawladda lagu samaynaya ay u noqoto wax ay cilmibaadhis hagayso haddii ILLAAHEY yidhaahdo”

“Waxaan u mahad celinaya safaarada Somaliland ee dalka Itoobiya oo arrintan qayb libaax ka qaadatay, waxa kale oo aan u mahad celinaya cidkasta oo gacan ka gaysatay in ay dib u bilaabmaan xidhiidhadii u dhaxeeyay labada Machad ee Itoobiya iyo Somaliland,”Ayuu yidhi agaasimaha fulinta machadka hay’adda shaqaalaha dawladda Cumar Iid Qaloonbi.

Hargeisa Press.com/Hargeisa Office.

LEAVE A REPLY