Heshiis Laga Gaadhay Waxyaabihii Sababay inay Shaqo-joojin Sameeyaan Muruq-maalka Dekedda Cusub ee Berbera

0
642

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Shaqo-gelinta iyo Arrimaha Bulshada oo soo bandhigay natiijada shirar kala duwan oo laga yeeshay tabashooyinka shaqaalaha muruq-maalka ah

Hargeysa,(HargeisaPress)—Shaqaalaha muruq-maalka ah ee ka shaqeeya dhismaha dekedda cusub ee laga dhisayo Berbera, ayaa dib u bilaabaya hawlihii shaqo ee ay hayeen, kadib markii heshiis rasmi ah laga gaadhay khilaafkii sababay in shaqaalahaasi ay sameeyaan shaqo-joojin soo bilaabantay maalintii Khamiista.

Shaqaalaha muruq-maalka ah oo saxaafadda la hadlay maalintii Khamiista ee la soo dhaafay, ayaa cabasho xooggan ka muujiyey dad ajaanib ah oo ay sheegeen inay la wareegeen xirfadihii shaqo ee ay ka hayeen dhismaha dekedda cusub ee Berbera, kuwaasoo ku dooday in cid gaar ah soo kala dhexgashay shaqaalaha muruq-maalka ah iyo shirkadda qaadatay qandaraaska dhismaha dekedda cusub, taasoo meesha ka saartay xuquuqihii shaqo iyo gunno ee ay hore u hayeen.

Haddaba, Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Shaqo-gelinta, Arrimaha Bulshada iyo Qoyska Md. Cabdirashiid Ibraahim Cabdiraxmaan oo qoraal kooban soo saaray xalay, ayaa xaqiijiyey in arrintaas xal laga gaadhay, kadib markii ay shirar yeesheen Wasiirka Shaqo-gelinta iyo Arrimaha Bulshada Somaliland, Madaxda Gobolka Saaxil, Hay’adda Shifa Al-nahda ee gacanta ku haysa dhismaha dekedda cusub iyo Shirkadda DP WORLD, shirarkaas oo lagu go’aamiyey in meesha laga saaro cid kasta oo u dhexaysa shaqaalaha muruq-maalka ah iyo cidda ay u shaqaynayaan, isla markaana ay shaqaaluhu ka noqdaan shaqo-joojinta, dibna u bilaabaan hawlihii shaqo ee ay ka hayeen dhismaha dekedda cusub ee Berbera.

Qoraalka Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Shaqo-gelinta, Arrimaha Bulshada iyo Qoyska ku faafiyey facebook-giisa xalay oo wargeyska Jamhuuriya soo xigtay, waxa isagoo faahfaahsan uu u dhignaa sidan; “Waxa socday kulamo xal looga gaadhayo cabashadii shaqaalaha muruq-maalka ah ee Berbera oo u dhexeeyey Wasiirka Shaqo-glinta iyo Arrimaha Bulshada, Madaxda Gobolka Saaxil, Hay’adda Shifa Al-Nahda iyo DP World. Guud ahaan waxa soo af-meermay shaqo- joojintii shaqaalaha muruq-maalka ah ee dekedda cusub ee Berbera dhisayay, kadib markii go’aan laga gaadhay cabashadii shaqaalaha si waafaqsan Xeerka Shaqaalaha Rayidka ah ee #31/2004.

Waxa guud ahaan meesha laga saaray shirkadihii u dhexeeyey shaqaalaha iyo loo shaqeeyaha. Waxa toos heshiis u wada gali doonna Shaqeeyaha iyo loo Shaqeeyaha, iyadoo aanay cidi u dhexayn – Wasaaradda Shaqo-gelinta, Arrimaha Bulshada iyo Qoysku waxa ay waajibaadkeeda u gudan doontaa si waafaqsan Xeerka lagu maamulo shaqaalaha rayidka ah marka la xulano shaqaale cusub,” ayuu yidhi Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Shaqo-gelinta, Arrimaha Bulshada iyo Qoyska Somaliland Md. Cabdirashiid Ibraahim Cabdiraxmaan.

Jamhuuriya

LEAVE A REPLY