Hay’adda Xuquuqul Insaanka Qaramada Midoobay oo Wax Laga Argagaxo Ku Tilmaamtay Kufsiyadii Ka Dhacay Soomaaliya

0
1114

Muqdisho (Hargeisa Press) – Hay’adda xuquuqul insaanka Qaramada Midoobay ee human Ritgh Watch ayaa warbixin ay u gudbisay Golaha Amaanka waxay wax laga argagaxo ku tilmaamtay kororka tacaddiyada kufsiga ee ka socda Soomaaliya.

Warbixinta waxaa lagu sheegay in kufsiyo aan kala sooc lahayn loo geystay haweenka, Gabadha iyo Wiilasha yaryarka ah.

Human Rights Watch ayaa ugu baaqday masuuliyiinta Soomaaliya inay si dhakhso leh u ansixiyaan sharciga Dembiyada Jinsiga ee ay ansixiyeen Golaha Wasiiradu muddo laba sano ka hor.

Hay’adda xuquuqul insaanka, ayaa dhiirrigalisay go’aanka magacaabista dacwad ooge khaas ah oo baadhitaan ku sameeya dilalka saxafiyiinta.

“Waa lagama maarmaan in madaxda Soomaalidu ay garwaaqsadaan oo ay ilaaliyaan xuquuqda dadkooda ay u leeyihiin inay si xor ah u soo bandhigaan aragtidooda, iyo inay ka ilaaliyaan suxufiyiinta xadhig sharci darro ah, dhibaateyn, cabsi gelin iyo weeraro jidheed, oo ay ku jiraan dil,” ayaa lagu yidhi bayaanka Human Rights.

LEAVE A REPLY