Hay’adda UNFPA Oo Daawooyin Ku Wareejisay Wasaaradda Caafimaadka

0
899

Hargaysa (HP): Wasaaradda caafimaadka Somaliland ayaa maanta qalab caafimaad iyo daawooyin kala wareegtay hay’adda jamciyadda quruumaha ka dhaxaysa ee UNFPA.

Waxaana daawooyinkaasi iyo qalabkaasi si rasmiya ugala wareegay hay’adda Agaasimaha guud ee wasaaradda caafimaadka Somaliland Dr. Maxamed Cabdi Xergeeye iyo masuuliyiin kale.

Iyadoo munaasibadii qalabka iyo daawooyinka lagula kala wareegayay oo lagu qabtay xarunta kaydka daawooyinka qaranka ee Hargaysa ay goob joog ka ahaayeen guddi hoosaadka ilaalinta iyo daba-galka hantidda qaranka ee golaha Wakiiladda.

Sidoo kale waxaa halkaas joogay saraakiil ka socday hay’adda UNFPA iyo shirkadda ku guulaysatay qandaraaska soo iibinta daawooyinkaasi ee Dalsan.

Halkan ka Daawo Warkaasi:

Hargeisa Press.com/Hargaysa Office.

LEAVE A REPLY