Hay”adda Shaqaalaha Somaliland oo Shaacisay Xiliga La Diiwaan Gelinayo Dhamaan Shaqaalaha Aan La Diiwaan Gelin

0
675

Hargeisa (Hargeisa Press)- Hay”adda shaqaalaha Dawlada Somaliland ayaa waxaa ay Maanta si rasmi ah u shaacisay xiliga la diiwaan gelinayo dhamaan shaqaalaha aan weli si rasmi ah loo diiwaan gelin ee Wasaaradaha iyo Hay’adda Dawlada ee madaxa banaan.

Shaqaalahaas waxa ka mid ah 1)Guulaytayaashii Gobolada 2) Dhamaan badalka shaqaalihii lagu badalay kuwii laga saaray payrollka diiwangelintii hore oo ay Ku jiraan Macalimiinta wasaarada waxbarashada 3)Shaqaalihii galay payrollka intii ka danbaysay Diiwaangelintii hore kuwaas oo ay ka mid yihiin shaqaalaha caafimaadka iyo dhamaan shaqaalaha miisaaniyad sanadeedka 2019 ee la sii daayay imtixaan/qiimayn ka dib iyo dhamaan waxii shaqaale ku jira payrollka ee aan hore loo diiwaangelin.

Diiwaangelintu waxay bilaabmaysaa 15 October 2019 waxaanay dhamaanaysaa 23 October 2019. Wareegto uu la socdo jadwalka taariikhda loo cayimay ayaa loo diray wasaarad iyo hayadkasta oo dawladeed si shaqaalahooda loo diiwaan geliyo.

Dhinaca kale, Guddoomiyaha Hay”adda Shaqaalaha Dawlada Somaliland Farxaan Aadan Haybe ayaa waxaa uu farayin masuuliyiinta gobolada dalka in ay wakhtiga loo cayimay ay sida jadwalka ku cad gobol kasta diiwaangeliyaan shaqaalahooda.

Sidoo kale, Guddoomiyaha hay”adda Shaqaalaha ayaa sheegay in wasaarada ama Hayada ay dhaafto diiwaangelintu wakhtiga loo cayimay ay bixin doonaan kharashka diiwaan gelinta shaqaalahooda maadaama buu yidhi ay iyagu leeyihiin sababta dibu dhaca ka timi xagooda, iyadoo loo diyaariyay qalabkii, shaqaalihii iyo gadiidkii hawsha ka waday goob kasta.

 

Hargeisa Press Desk/Hargeisa Office.

LEAVE A REPLY