Hay”adda Shaqaalaha Somaliland oo Shaacisay Natiijada Tartamayaal Ku Guulaystay 20 Kaalin Shaqo

0
702

Hargeisa (Hargeisa Press)- Hay”adda shaqaalaha dawladda Somaliland ayaa waxaa ay shaacisay natiijada tartamayaal ku guulaystay labaatan kaalin shaqo oo ka mid ah 26 kaalin shaqo oo ay hore u soo xayaysiisay hay”adda shaqaalahu.

Natiijada imtaxaanka kaalmaha shaqo ayaa Lix kaalin shaqo ay cidina ku soo bixi wayday sida sharciga shaqo xulistu ee Hay”adda Shaqaalaha dawladu dhigayo islamarkaana dib loo soo xayaysiiyo.

Sidoo kale, Waxa soo dalbaday shaqooyinkan tartamayaal dhan 1,577 kun oo tartame, waxana liiska ku soo baxay 78 qof iyadoona ay kaalintiiba 3 xubnood ku tartameen.

Hay”adda shqaalaha dawlada Somaliland ayaa waxa ay hawshaas kala xulista iyo kala saarista u dhaarisay 9 xubnood, si ay si daacad ah ugu garsooraan ugana gudiyeeyaan min bilow ilaa dhamaad, xubnahaas oo ay soo xuleen wasaaradaha iyo Hayadaha shaqaalaha loo qaadayay.

Guddoomiyaha hay”adda shaqaalaha Somaliland Farxaan Aadan Haybe ayaa goobtaasi ka shaaciyay tartamayaashii ku guuleystay kaalmaha shaqo.

Hoos ka daawo muuqaalka

Hargeisa Press Desk/Hargeisa Office.

LEAVE A REPLY