Hay”adda Shaqaalaha Somaliland oo Baadhis Ku Samaynaysa Xadhig Lagula Kacay Gabadh Shaqaale Ka Ah Wasaarada Arimaha Gudaha

0
1929

Hargeisa (Hargeisa Press)- Gabadh shaqaale ka ah wasaaradda arrimaha Gudaha Somaliland ayaa lagu xidhay magaalada Hargeysa, kadib markii uu khilaaf dhexmaray masuul ka tirsan wasaaradaasi.

Gabadhan oo shaqaale hoosaad ka ahayd ayaa lagu xidhay Saldhiga (Daloodho) ee Magaalada Hargeysa.

Hadaba xadhiga Gabadhan waxaa ka hadley Guddoomiyaha hay”adda Shaqaalaha dawlada Somaliland Farxaan Aadan Haybe, isagoona sheegay in ka hay”add ahaan ay badhayaan sababta keentay xadhiga Gabadhaasi.

“Arinta inanta shaqaalaha dawlada ka tirsan ee la leeyahay way soo cabatay oo hadana dhiilada ka timi awgeed ayaa xadhig loogu daray waa arrin baadhis u baahan oo sida wax uga jiraan in laga gun gaadho ay tahay maadaama xogta laga warbixinayaa tahay mid aan tilmaamo, magacyo iyo sumad, mansab shakhsi midna lagu Xusin.”

“Waxaa sugan ilaa hadda in aanu jirin qof dumar ah oo kiis dacwad tan u eg loogu soo xidhay saldhiga Daloodho, balse taas macnaheedu maaha in halkaas lagaga hadhayo ee ilaa xaqiiq dhab ah la helo run iyo been kay tahayna la ogaado waa waajib in laga gun gaadho waxii ka soo baxana hayadaha ku shaqada leh ayaa bulshada la wadaagi Insha Allah – shukran.” ayuu yidhi guddoomiyaha Hay”adda shaqaalaha.

Sidoo kale, guddoomiyaha Hay”adda shaqaalaha ayaa sheegay in xadhiga Gabadhaasi ay kawada hadleen agaasimaha guud ee wasaarada Arrimaha Gudaha iyo saraakiisha Booliska.

“Mansabka maamule ee warbixinta lagu sheegay kuma jiro xilalka wasaaradaha ka jira guud ahaanba. Run ahaan ma qarsoomayso waa hadii ay run tahay isla markaan helay xogta waxaan ka wada hadalay Agaasimaha guud ee wasaarada arrimaha gudaha iyo booliska inuu jiro qof la soo xidhay wax u eg arintaas.“ayuu yidhi guddoomiye Farxaan.

 

Hargeisa Press Desk/Hargeisa Office.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here