Hay’adda shaqaalaha oo lix xubnood oo ay imtixaan ka qaaday ka shaqaalaysiisay Wasaarada maaliyadda

0
592

Hargeysa (HargeisaPress)-Hay’adda shaqaalaha dawladda Somaliland oo qaar ka mid ah dhallinyarada Jaamacadaha oo ay imtixaam ka qaadeen u shaqaalaysiiyey wasaaradda horumarinta maaliyadda, kuwaas oo bartay aqoonta IT-ga.

Ugu horayn waxa halkaas ka hadlay guddoomiyaha hay’adda shaqaalaha dawladda Farxaan Aadan Haybe, oo u hambalyeeyey dhallinyaradaas ku guulaystay inay ka mid noqdaan shaqaalaha dawladda, isagoo u mahad celiyey wasaaradda maaliyadda Somaliland oo sheegay inay u soo gudbisay dhallinyaradan aqoon yahanka ah  si ay uga qaadaan imtixaamka ay hay’addu ka qaado shaqaalaha dawladda loo qaadanayo, wuxuuna sheegay inay ka kooban yihiin lix xubnood isla markaana ay markii hore kaalmaha koowaad ay ka galeen imtixaankii Jaamacadaha ee ay ka soo baxeen, isagoo xubnahaas kula dardaarmay inay kaalintooda ka qaataan dedaalada ay ku hawlan tahay wasaaradda maaliyadu.

Hay’adda Shaqaalaha Dowladda Somaliland

Waxa kale, oo uu guddoomiyaha hay’adda shaqaaluhu u mahad celiyey agaasimaha waaxda xulista iyo dalacsiinta ee hay’adaas Marwo Ifraax iyo xubnaha guddida hay’adda shaqaalaha dawladda oo uu sheegay inay dedaal badan galiyeen kala xulistii iyo kala haadintii xubnihii ka qayb qaadanayey imtixaamka.

Geesta kale, Cumar Siciid iyo Sucaad sheekh Xuseen, oo ku hadlayey afka guulaystayaasha ayaa sheegay in imtixaankaas loo qaaday hab caddaalad ah, iyagoo xusay inay ka kala socdeen Jaamacadaha dalka.

Hargeisa Press.com/Hargaysa Office.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here