Hay’adda Qoxoontiga Somaliland Oo Raashin U Qaybisay Barokaceyaal

0
582

Hargaysa (Hargeisa Press): Hay’adda qxoontiga iyo barokaceyaasha Somaliland ayaa maanta raashin u qaybisay qoysas danyar ah iyo dad barokaceyaal ah oo degan  Kaam ku yaalla magaaladda Hargaysa.

Raashinkan waxaa ku soo caawiyay oo soo gaadhsiiyay hay’adda qoxoontiga Somaliland Merkeska Binu Salmaan ee boqorka dalka Sucuudiga.

Qoysaskan oo tiradoodda lagu qiyaasay ilaa 400 oo qoys ayaa degan Kaamka barokaceyaasha Naasa Hablood B ee bariga magaaladda Hargaysa.

Waxaana qaybinta raashinkaasi goob joog ka ahaa guddoomiyaha hay’adda arrimaha qoxoontiga iyo barokaceyaasha Somaliland C/kariin Xinif, iyo masuuliyiin kaloo hay’adaasi ka tirsan.

Daawo: Warkaasi:

Hargeisa Press.com/Hargaysa Office.

LEAVE A REPLY