Hay’adda IOM oo Hargeysa Ka Bilowday Qorsheyaal Dhagaraysan oo Lidi Ku Ah Qaranimada Somaliland+Documentiyo Ay Ku Soo Bandhigtay Khariirad Ay Somaliland Raacisay Somalia

0
1113

Hargeisa (Hargeisa Press)- Hay’adda Iom oo Ka mida Hay’addaha Ka hawlgala gudaha dalka Somaliland ayaa tababar ay soo agaasintay oo lagu sheegay (Somalia joint intiative returnees) oo Macnaheedu yahay Somalia oo si wadajir ah dib loogu soo celinayo kusoo bandhigay documentiyo cadayna in khariirada Somaliland iyo Somalia ay yihiin hal dal oo kaliya islamarkaana aaney jirin habayaraatee xuduud iyo meel u dhaxaysa oo kala qaybsi labada dal, waxaana sidoo kale aan hal meel lagu arkin bushqadaha waraaqaha ah ee ay bulshada u qaybiyeen meel ay kusoo qaadeen ama ay kagaga qoran tahay Jamhuuriyada  Somaliland.

Tababarkan oo ay ugu talogaleen inay ku ku qabtaan gudaha caasimada hargeisa oo ay kasoo qaybgaleen dadweyne tiro badan ayaa hal mar ka biyo diiday qorshahan dhegaraysan ee ay waday hay’ada Iom, taas oo amakaag ku noqotay shacabkii ku sugnaa madasha hotelka maansoor iyo xubno ka socoday Hay’ada Qaxootiga u qaabilsan Somaliland, waxaana intaasi kadib qaar kamida dadweynaha reer Somaliland ee loo qaybiyey documentiyada oo arrintaasi aad u cadho galisay ayaa suxufiyiin usoo bandhigeen sida wax u dhaceen iyo waraaqaha loo qaybiyey.

Documentiyadaasi oo Cadeynaya in habayaraatee aaney jirin qoraalka meel lagaga sheegay Somaliland iyo khariiradii dalka jamhuuriyada Somaliland oo lagu daray Somalia.

Dhacdadaasi kadib waxaa talaabo Lagu joojinayo Tababarka iyo shirkaasiba ka qaaday haayada Barakacayaasha iyo Qaxootiga Somaliland oo aan habayaraatee wax lagala socodsiiyey jirin.

Gudoomiyaha Hay’ada Qaxootiga iyo Barakacayaasha Somaliland oo laga Waraystay Arrintaasi Ayaa Yidhi Sidan. “Saaka siminaarkaasi isagoo soconaya, ayay igu soo wargeliyeen shaqaalihii xafiiskayga ka tegay. Waxaanay ii soo sheegeen in macluumaadka meesha lagu qaybiyay ay ahaayeen Soomaaliya , wax Somaliland ku saabsana kuma jirin.

Waxaan la hadlay hay’adda IOM oo tababarka waday, oo aan ku wargeliyay in ay halkaa ku joojiyaan tababarka, aanay xafiiskayga iigu yimaadaan, waanay ii yimaadeen.

Waxay isku deyeen in ay igu qanciyaan in ay qoraalka wax ka bedelayaan, laakiin umay suuroobin.  Markii danbe waxaan ku qanciyay in ay tababarka halkaa ku joojiyaan”.

Guddoomiyaha hay’adda barakaceyaasha iyo qoxoontiga waxa kaloo uu sheegay in ay ka biyo-diideen kadib markii ay arkeen in aan casharadda tababarka lagu bixinayay aanay ku jirin meel qudha oo Somaliland magaceedu kaga qoran yahay.

“Waxaa meesha lagu qaybinayay warbixin (report) ka hadlaysay Soomaaliya, oo Somaliland-na qayb ka tahay Soomaaliya ayuu ahaa.

Gebi ahaanba casharadii tababarka laga jeedinayay kuma jirto meel qudha oo Somaliland ku qoran tahay. Meel ay kaga qoran tahay kelmadda Somaliland, kuma arkaysid, waxa ku qorani waa Soomaaliya”ayuu yidhi C/kariin Xinif,

Isagoo hadalka sii watayna waxa uu yidhi “Mana jirin markii ay warbixintan diyaarinayeen, waxaanu dareensanahay in iyagoo Xamar jooga ay diyaariyeen. Ama reer Soomaaliya u diyaariyeen.

Laakiin, anaga wax ay naga waydiiyeen iyo wax aanu ka og nahay iyo wax ay nagala socodsiiyeen, midnaba ma jirto”.

Dhinaca kale C/kariin Xinif, waxa uu sheegay in tallaabadan ay ku joojiyeen tababarkaasi ay ka turjumayso go’aankii laga soo saaray shirkii golaha wasiirrada Somaliland ee la xidhiidhay in hay’aduhu ay wax ka bedelaan hanaanka ay Somaliland ula dhaqmayaan.

Waxaanu yidhi “Waxaa jirtay, in shirarkii golaha wasiirrada Somaliland ee u danbeeyay mid ka mida, in go’aan lagu soo saaray hay’aduhu siday ula dhaqmayaan Somaliland iyo waxyaabaha ay isticmaalayaan.

Tanina waa jebin cadaan ah. inkastoo aanaan anagu cadayn karin hay’adaha ma gaadhay, mise ma gaadhin go’aankaasi”.

Sikastaba ha ahaatee Somaliland Maaha markii ugu horeysay ee lagu arkay NGO’s iyo Hay’ado ku qabta dalka Tababaro iyo fikiro ku lidi ah Qaranimada iyo gooni isutaaga Somaliland oo Dalkii laysku odhan jiray Somalia  ka qaadatay Madax bananindeeda sannadii 1991, kii wixii ka danbeeyeyna ahaa Dawlad madax banana oo iskeed isku taagtay.

Mana jiro Ilaa Hadda Wax war rasmiya oo kasoo baxay hay’adaha amaanka eek u shaqada leh arrintan marka laga yimaado gudoomiyaha hay’ada Barakacayaasha iyo Qaxootiga Somaliland oo isagu bixiyey amarkan lagu joojinayey.

Hargeisa Press.com/Hargeisa Office.

LEAVE A REPLY