Hay’adda Horumarinta Barigga Africa Ee EAD Waxay Bulshadda Somaliland Ugu Baaqaysaa In Si Deg Deg Ah Oo Wadajir Ah Loogu Gurmado Dadka Dhibaatadu Ka Soo Gaadhay Roobabka ”

0
1121

LONDON , (HargeisaPress) — Sida  aynu la socono  roobabkii dabaylaha watay ee bilawgii todobaadkan ku dhuftay qaybo ka mid ah xeebta iyo goboladda galbeed ee Somaliland waxay dhibaato weyn soo gaadhsiiyeen qaybo badan oo ka mid ah bulshadeena. Ilaa hadda inta la ogyahay waxaa masiibaddaa u geeriyooday dad ka badan 30 ruux, halka qaar kalena la laayahay. Sidaas oo kale waxaa  ku baro kacay qoysas badan, iyadda oo qaar badan oo kalena ay ku caydhoobeen.

Sidaas darteed, hayadda horumarinta barigga Africa ee EAD waxay ugu baaqaysaa bulshadda bulshadda Somaliland in si deg deg ah oo wadajir ah loogu gurmado dadka dhibaatadu gaadhay.ee ku nool xeebta goboladda Awdal iyo Salal gaar ahaan degmadda Lughaya iyo inta ku teedsan.

Hayadda EAD waxay ku dhiiri galinaysaa, uguna baaqaysaa xukuumadda JSL, hayaddaha samafalka , wadamadda muslimiinta iyo kuwa deeqaha bixiya,  iyo qaybaha kala duwan ee bulshadda  inay dar dar galiyaan hawlaha gurmadka ee loo fidinayo dadka dhibaatadu soo gaadhay. Hayaddu waxay si gaar ah ugu baaqaysaa ganacsatadda iyo qurbajoogtu inay is abaabulaan, si deeqsinimo leh-na  ugu hagar baxaan taakulaynta iyo caawinta bulshadeena  dhibaataysan.

Ugu dambayntii, hayadda EAD waxay ku bogaadinaysaa xukuumadda Somaliland, wadamadda aynu dariska nahay sida deg dega ah ee ay u bilaabeen gurmadka.

 Jazaakalaah khayr

Gudidda fulinta EAD UK

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here