Hawl Gal Ka Dhan Ah Dhuxulaysiga Oo Laga Fuliyay Ceel-Afweyn

0
422

Ceel-Afweyn (HP): Masuuliyiinta wasaaradda deegaanka Somaliland ee degmadda Ceel-Afweyn ee gobolka Sanaag ayaa maanta fuliyay hawl gallo lagula dagaalamayo Dhuxulaysiga.
Waxaanay hawl galkaasi ku baabiiyeen Godad lagu shidayay dhir fara badan oo Dhuxul laga diyaarinayay.


Sidaasina waxaa lagu sheegay war qoraal ah oo kooban oo caawa lagu baahiyay bogga Facebook ee wasaaradda deegaanka Somaliland.
Maamulka iyo shaqaalaha wasaaradda deegaanka iyo horumarinta reer Miyiga Somaliland oo uu hor kacayay maamulaha wasaaradda deegaanka ee degmadda Ceel-Afweyn C/raxmaan Xuseen Aadan.


Kuwaasoo fuliyay hawl galkaasi lagu bur-burinayay dhirtaasi Dhuxusha laga shidayay, iyagoo gacan ka helayay ciidamadda booliska ee degmadaasi.
Maamulka degmada Ceel-Afweyn iyo masuuliyiinta wasaaradda deegaanka oo markii hawl galkaasi soo dhamaaday si wada jir ah warbaahinta ula hadlay ayaa sheegay  in ay ka go’an tahay ilaalinta deegaanka iyo la dagaalanka Dhuxulaysiga.


Geesta kale goboladda barriga Somaliland oo degmadda Ceel-Afweyn na ay ku jirto ayaa ka mida meelaha sida aadka ah looga shido Dhuxusha.
Iyadoona ay taasi bar-bar socoto masuuliyiinta wasaaradda deegaanka ee goboladaasi oo iyagna si joogto ah ula dagaalama Dhuxulaysiga.

Hargeisa Press.com/Hargeisa Office.

LEAVE A REPLY