Haweenka Ceerigaabo Oo Canbaareeyay Laalista Kootadda Dumarka

0
628

Ceerigaabo (Hargeisa Press): “Waxaanu isugu nimid in aan shucuurtayadda ku muujin tacadigii ay nagu sameeyeen golaha Wakiiladda Somaliland ee fadhiidka ah”.

Sidaasi waxaa tidhi Hodan Gurrey Cali, oo ka socotay ururadda haweenka ee ka tirsan dalladda NAGAAG oo ka hadlaysay kulan maanta ka qabsoomay magaaladda Ceerigaabo.
Kulankaasi oo ay yeesheen haweenka gobolka Sanaag oo ay soo qaban qaabisay dalladda NAGAAD waxay ku canbaareeyeen tallaaabadii ay todobaadkii hore golaha Wakiiladda Somaliland ku laaleen xeerka Kootadda haweenka.
Waxaanay haweenka Ceerigaabo ku tilmaameen golaha Wakiiladda kuwo fadhiid ah oo 10 sanadood sharci darro ku fadhiya kuraasta.
Geesta kale dhamaanba xubnihii kulankaasi ka hadlay ayaa si isku mida u muujiyay siday uga xun yihiin tallaabadaasi.


Waxaanay ku hanbalyeeyeen madaxweynaha Somaliland soo jeedintiisii ahayd in haweenka Kooto loo xidho si kuraas badan uga helaan golaha Wakiiladda.
Halka ay baaq u direen golaha Guurtidda Somaliland iyo madaxweyne Biixi, iyagoo rejo ka muujiyay in golaha Guurtidu ay dib u soo celin doonaan xerrkaasi, isla markaana aanu madaxweynuhu saxeexi doonin.

Daawo: Shirka Jaraa’id Ee Haweenka Ceerigaabo:


Hargeisa Press.com/Hargaysa Office.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here