Haweeney Magaalada Jigjiga Ka Furatey Xarun Lagu Dayactiro Gawaadhida

0
1133

Jigjiga (Hargeisa Press) – Inta badan haweenka Soomaalida, ayaa laf dhabar u ah dhaqaalaha qoysaskooda.

Haddana, waxaa jira shaqooyin ay dumarka kuyar yihiin, ama aan loogga baran inay qabtaan.

Howlahaas ayaa waxaa kamida ka ganacsiga gaadiidka iyo dayac tirkiisa, amaba cillad bixinta gawaadhida, taasoo ah mid u baahan adayg lana xidhiidha howl adag.

Sidaas oo ay tahayse waxaa jirta haweeney u badheedhay culeyska makaaniknimada gawaadhida.

Waa Sucaad Maxamed Yuusuf, oo ku nool magaalada Jigjiga, waana gabadha kaliya ee magaaladaasi ku leh geerash gaadiidka lagu hagaajiyo.

LEAVE A REPLY