Harimacadyo Si Qarsoodi ah Loo Dhoofinayay Oo La Qabtay

0
333

Berbera (HP): Ciidanka ilaalada xeebaha ee Somaliland ayaa maanta soo qabtay 7 Harimacad oo la doonayay in si sharci darro ah dalka looga dhoofiyo.
7 xabo ee Harimacadka ah ayaa laga dhoofinayay degaanka Karrin oo dhinaca bari ka xigga magaalada Berbera.
Waxaana falkaasi lagu soo qabtay oo loi hayaa saddex qof, oo laba ka mid ahi ay u dhasheen dalka Yemen.
Halka qofka kalena uu yahay qof u dhashay Somaliland.
Sida ay sheegeen ciidanka ilaaladda xeebaha ee raggaasi soo qabtay.
Taliyaha Ciidanka ilaalada xeebaha Somaliland Admiral, Maxamed Xuseen Faarax (Xiirane), oo dhacdadaasi ka hadlay ayaa sheegay in sharciga la la tiigsan doono dadka lagu soo qabtay ugaadhan la doonayay in dalka laga saaro.
Waxaanu taliye Xiirane, balan qaaday inuu dalacsiin doono ciidankii hawl-galkaasi ka qayb qaatay.
Taliyaha saldhiga koobaad ee ciidanka ilaaladda xeebaha gaashaanle sare Haaruun Siciid Cali, oo hawl galkaasi ka warbixinayay waxa uu yidhi, “Waxa jiray hawlgal muddo 4 maalmooda ciidanka ilaalada xeebaha ee saldhiga koobaad uu ku jiray, isla markaana guddoomiyaha taliyaha ciidankuba ay nagu ogaayeen.
Markii dhoofinta xayawaanadku may jirin balse hadda ayay nagu soo biirtay, waxa aanu gacanta ku soo dhignay dooni ay saran yihiin laba nin oo Carab ah, gaadhigii Harimacadka siday, nimamkii watay, laba ninn oo ka mid ahi waa ay baxsadeen.
Balse gaadhigii iyo Harimacadkii oo 7 xabo ah oo 4 dhimatay saddexna ay nool yihiin iyo gaadhigii ayaa gacanta lagu hayaa.”

Geesta kale wasaaradda deegaanka iyo isbedelka cimiladda Somaliland oo ay arrintani shaqadeedda tahay ayaan weli ka hadal Harimacadkani la doonayay in si qarsoodi ah dalka looga dhoofiyo.

Hargeisa Press.com/Hargeisa Office.

LEAVE A REPLY