Hargeysa: Warbixin cusub oo Hadda ay soo saareen guddida ka hortagga iyo u-diyaar-garowga xanuunka COVID 19

0
493

Hargeysa,(HargeisaPress)–Guddida oo maanta shir jaraa’id qabatay, ayaa bulshada la wadaagtay warbixin cusub oo la xidhiidha xaaladda caafimaad ee bulshada reer Somaliland iyo waxyaahaha ilaa iyo waqtigan u qabsoomay guddi ahaan, waxana ugu muhiimsanaa waxyaabiyihii ay ka hadleen qodobbadan soo socda:

Waxa dhawaan dalka iman doona oo la dalbay mishiinka lagu baadho Virus-ka covid 19 ee loo yaqaanno PCR oo dadkii ka shaqayn lahaana lagu soo tabobaray dalka Kiiniya.

Ilaa iyo imika waxa dhiig iyo dheecaanno laga qaaday 20 qof oo isugu jira dadkii ay la kulmeen labadii qof ee hore looga helay xanuunkan iyo qaar lagu arkay astaamo u eg kuwa xanuunka Covid 19, waxana la sugayaa inay natiijadu maalmaha soo socda soo baxdo.

Ilaa iyo haatan ma jirto cid cusub oo lagu arkay xanuunka COVID 19, gudaha Somaliland, marka laga tago labadii qof ee hore loo shaaciyey.

Waxa dhawaan baxaya 186 hawl-wadeen oo wata 62 gaadhi, kuwaas oo mari doona dhammaan gobollada iyo degmooyinka dalka, islamarkaana wacyigelin doona bulshada, waxana ay hawl-wadeennadani ka socdaan wasaaradaha horumarinta caafimaadka iyo warfaafinta, wacyigelinta iyo dhaqanka.

HargeisaPress News Desk — Hargeysa 

LEAVE A REPLY