Hargeysa: Roob Mahiigaan Ah Oo Sababay Geerida 7 Ruux Iyo Dhaawaca 9 Qof

0
1110

Hargeysa ,(HargeisaPress) —Roob mahiigaan ah oo shalay gabal dhicii ka da’ay Hargeysa ayaa sababay dhimashada toddoba qof oo laba ka mid ah ay ku dhinteen dab halka shan kalena uu daad qaaday.

Labada qof ee uu dabku uu ku dilay xiligii uu roobkan weyn da’ay  ayaa ku geeriyooday agagaarka xaafada Sheekh Madar, waxaanay ahaayeen wiil iyo gabadh lagu kala magacaabi jiray Marxuumad Hodan iyo Marxuum Liibaan,   saddex qof ayaa xaafada Daloodho gaadhi ay wateen uu daad ku qaaday, hal qof oo kale uu isna daad ku qaaday agagaarka laagta Gargaar.

Wasiirka arimaha gudaha ayaa ku dhawaaqay in sagaal qof oo kalena la badbaadiyay, sida oo kale qoysas la jaar ahaa taliska ciidanka booliska ayaa guryahooda laga daad gureeyay, waxaana warku uu intaas ku darayaa in xaafada Hodan Hills ay iyagana uu guryo badan uu jiingada ka qaaday dadkiina laga daad gureeyay.

Wasiirka arimaha gudaha Maxamed Kaahin Axmed oo warbaahinta khasaarahan kala hadlay waxa uu si kooban u yidhi “ Galabta [shalay] afurka horteedii roob weyn ayaa ina helay, waan ku xamdi naqaynaa raxmada alle, gurmad aad u balaadhan ayaa la sameeyay, waxaynu haynaa shan qof oo dhimasho ah oo 9 la badbaadiyay oo dhaawac ah, hudheelka Marodi jeex 7 qof, maxkmadahana 2 , taliska boolsikana nin ayaa laga badbaadiyay iyo guryo badan oo ciidanka u dhaw oo xeryaha ciidanka la geeyay, Hodan Hills ayaa iyadana guryo badan uu ka qaaday jiingada oo dadkiina laga daad gureeyay. Laba qof oo laydh ku dhintay ayaa iyagana la sheegay.laydhkuna ha galo heegan   meelaha ay cabsidu ka iman karayso waana in laymanka ay galaan shirkadaha laydhku. ”

Roobkan mahiigaanka ah ayaa kala xidhay magaalada Hargeysa, waxaana qaybo badan oo ka mid ah  caasimadu ay xalay ahaayeen koronto la’aan.

LEAVE A REPLY