Hargeysa: Nin Isku Dayay inuu Gubo Masjid Lagu Tukanayay

0
968

Hargeysa, (HargeisaPress) —  Booliska Saldhiga Xusbiga ee Suuqa Iddaacada ee Magaalada Hargeysa ayaa gacanta ku dhigay Nin Fal Argagax iyo naxdin badan kula kacay Dad ku tukanayay Masaajid halkaa ku yaalla Salaadii Duhur ee Shalay, kaasoo isku dayay inuu dab sudho Masaajidka iyo Dadka ku Tukanayay iyagoo Salaada Jamaca ku jira.
Ninkan oo sida la sheegay Kabaha dadka ugu Baalashayn jiray Xamaam ku yaalla Agagaarka Masaajidka, ayaa markii Salaadii Duhur la galay, Caagad Batrool ah ku rusheeyey Albaabbada Masaajidka iyo qayb ka mida gudaha oo uu ku saydh-saydhay  dadkii Safafka Salaada ku jiray.
Markii uu Baatroolkii ku rusheeyey, ayaa wuxuu damcay inuu ku shido Bulukeydka Sigaarka laga shito ama Lighter qofba siduu u yaqaano, kaddibna dadkii Salaada ku jiray iyo kuw kale oo dibada ka arkay qorshahan uu Diyaarinayo ayaa ka gaadhay isagoo aan wali Dabkii la gaadhin meeshii uu Shidaalka ku rusheeyey.
Dadka Shacbiga ah ee ku guulaystay inay fashiliyaan Falkan foosha xun , ayaa Booliska   ku Wareejiyey Ninkaas isku dayga sameeyey oo magaciisa  lagu soo koobay Cabdi Baalashle, waxaanay Boolisku markiiba u taxaabeen Saldhiga Suuqa Xisbiga ku yaalla.
Ma jiro wax war ah oo ka soo baxay Booliska oo la xidhiidha dhacdadan, hase-ahaatee goob-joogeyaasha dhacdadani waxay  intaas ku daray “Ragcadii u dambeysay ee Salaada ayaa lagu jiray. Dadku markii ay is-hayn kari waayeen ayay ka baxeen oo qabteen, isagoo markaa doonaya inuu Buluukeedka ku shido meeshii uu Baatroolkii   ku  Shubay” ayay yidhaahdeen dadkii dhacdadan Markhaatiga ka ahaa.
“Gudaha Masaajidka halka Iimaanka u dhow ayuu la tegay” ayey sii sheegeen goob-joogeyaasha rayidka ahi.
Geesta kale, qaar ka  mid ah Ganacsatada iyo Xoogsatada Jiiraanka la ah Masjidka falka isku dayga ahi ka dhacay, ayaa sheegay in Ninka oo da’diisa lagu qiyaasay 25 ilaa 30 jir inta u dhaxaysaa uu marar hore colaystay  Eeddaanka iyo Aqiinka Masaajidka, “ dhowr jeer oo hore ayuu Iimaanka Masaajidka ku yidhi naga jeediya Sameecada sidii uu karahsanayo codka Sameecada ka soo baxaya” ayuu u sheegay mid ka mid ah Dadka halkaa ku Ganacsadaa.
Ninka Falka argagaxisanimada kula kacay Dadka Salaada ku jira, ayaa waxay dhalashadiisa lagu sheegay Soomaali, waxaana dadka aqoonta hore u lahaa tilmaameen inuu muddo dheer agagaarka Masaajidka iyo suuqa Xisbiga Baalashle ka ahaa “muu waalnayn ee waxan u malaynayaa in la soo diray” ayuu yidhi goob-jooge kale.
Weerarka noocan ah oo marka caqiido ahaan iyo dhaqan ahaanba loo eego waxshinimo  ah, ayaa ku cusub goobaha lagu cibaadeysto iyo asal ahaan meelaha caadiga ah ee bulshadu ku kulanto. “Tuug dadka kabaha ka xadda inta salaada lagu jiro ama Gaadiidka Salaada laga tago baadha ayaa hore loo arki jiray, balse waa fal ugub ah kan oo kale” sidaas waxa yidhi Qof ka mid ah Dadweynihii ku soo uruuray goobta falku ka dhacay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here