Hargeysa: Madaxweyne Ku Xigeenka Somaliland Oo Ka Qayb Galay Aas Qaran oo Sameeyay Xildhibaan Aareeye

0
1075

Hargeysa,(HargeisaPress) —Alle ha u naxariistee waxaa maanta magaalada Hargeysa Aas qaran loogu sameeyay Marxuum Xildhibaan Cali Sheekh Ibraahim Aareeye oo dhawaan ku geeriyooday wadanka Turkiga.

Waxa Aaska Marxuum Xildhibaan Aareeye ka qayb galay Madaxweyne ku xigeenka Somaliland, Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici), Guddoomiyaha Golaha Wakiilada, Guddoomiye ku xigeenka Wakiilada, Xildhibaanada labada gole qaran ee Somaliland, Asxaabta mucaaridka, Aqoonyahano, Siyaasiyiin, Madax-dhaqameed iyo dadweyne aad u tiro badan.

HALKAN HOOSE KA DAAWO MUUQAALKA

LEAVE A REPLY