Hargeysa: Kulan diimeed loogu Diyaar garoobayo bisha Ramadaan

0
689

Hargeysa (HargeisaPress)–Maamulka Masaajidka Salaaxudiin, ee xaafada Jigjiga yar ee magaalada Hargeysa, ayaa sheegay in kulan diimeed ku saabsan ka faa’idaysiga bisha barakaysan ee Ramadaan uu ka furmi doono masaajidkaasi, kaas oo ku saabsan saddex Muxaadaro oo aad iyo aad u mihiim ah.

waxa ay sheegeen in muxaadarada koowaad ku soo beegmaysa Habeenka Khamiista ee toddobaadka innagu soo foole haddii ALLE yidhaahdo, Salaada Makhrib iyo Cishaa’I inta u dhaxaysa, waxaana jeedin doona Dr. Khadar Xasan Axmed, waxaanay ku saabsan tahay axkaam ay mihiim tahay qofka Muslimka ahi in uu barto ama ogaado bisha Ramadaan.

Muxaadarada labaadna waxa ay qabsoomi doonta habeenka Jimcuhu soo galayo, haddii ILLAAHEY yidhaahdo, ciwaankeedu waxa uu yahay cibaadooyinka fadliga badan Bisha Ramadaan, waxaana soo jeedin doona Sheekh Maxamed Cali Biixi, waxaanu sheekhu ku dheeran doona cibaadooyinka fadliga badan, si bulshadu wax badan uga ogaato acmaasha Soonka.

Dr. Axmed Cumar Askar agaasimaha cisbitaalkada guud magaalada Hargeysa, ayaa isna habeenka Sabtidu soo galayso, bulshada kala hadli doona bisha Ramadaan iyo caafimaadka, cunooyinka ay tahay in uu qofku iska ilaaliyo bisha Ramadaan, kuwa loo baahan yahay in uu isticmaalo iyo Soonku faa’idada uuu leeyahay caafimaadka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here