Hargeysa: Hoggaanka Waddani Oon U Kala Hadhin Soo Dhawaynta Siyaasiyiin iyo Taageerayaal Reer Axmed Dhagax Ah + Muuqaal

0
1005

Hargeysa, (HargeisaPress) — Hogaanka xisbiga Mucaaradka ah ee Waddani ayaan u kala hadhin munaasibad balaadhan oo lagu soo dhaweynayay siyaasiyiin ka soo jeeda degmada Axmed Dhagax ee Hargeysa. Siyaasiyiinta lagu qaabilay munaasibad ka dhacday hotelka Ambasador ayaa kala ah  siyaasiga ruug caddaaga ah Xildhibaan Cabdiqaadir Jirde iyo wasiirkii hore ee caafimaadka xukumaddii Riyaale Cabdi Haybe iyo taageerayaal kale.

 

https://youtu.be/Myf7P3E4aIA

 

 

81f6b70b5aee50dad5760baa0533168b_L

Guddoomiyaha xisbiga Waddani Cabdiraxmaan Cirro, kuxigeenkiisa Axmed Muumin Seed, musharaxiin kale oo hoggaanka Waddani u taagan, xildhibaannada iyo haldoorka xisbiga Waddani, tageerayaasha Waddani iyo taageerayaasha xisbiga ku soo biiray ayaa munaasibadda ka soo qayb galay.

24

Guddoomiyaha xisbiga Waddani Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi oo madasha khudbad ka jeediyay ayaa si kal iyo laab ah u soo dhaweeyay siyaasiyiinta iyo taageerayaasha oo uu sheegay inaanay xisbiga ku soo biirin ee ay tahay bilawgii wax wada lahaanshaha iyo talo wadaagga xisbiga Waddani.

5-4

7-1

HargeisaPress News Desk — Hargeysa

hargeisapress@gmail.com

LEAVE A REPLY