Hargeysa: Guddoomiye Ku Xigeenka Koomiishanka Maamul Wanaaga Oo Ka Hadlay Qaabka Tayaynta Waxbarashadda Madaxwaynahu U Wado.

0
994
Koomiishanka Maamul Wanaaga iyo La Dagaalanka Musuq-Maasuqa ee Somaliland Mud. Liibaan PHOTO FILE

Hargeysa,(HargeisaPress) — Guddoomiye ku xigeenka  Koomiishanka Maamul Wanaaga iyo La Dagaalanka Musuq-Maasuqa ee Somaliland Mud. Liibaan Ismaaciil Buraale ayaa sheegay in madaxwaynaha Somaliland Mudane Muuse Biixi cabdi ay ka Go’an tahay Tayaynta Waxbarashadda Somaliland Oo Markii hore aad u hoosaysay.

Liibaan Uu Qoraal Uu Ka Hadlayo Qaabka Uu Madaxwaynahu u tayaynayo Waxbarashadda soo gaadhsiiyay shabakadda caalamiga ah ee HargeisaPress.com, ayaa waxa uu u dhignaa Sidan hoose.

Labada talaabo ee la kawsaday imitixaanka maanta ardaydu u fadhiisatay waa bilawga tayaynta waxbarashada dalka, in la kobciyo waxbarashada tayadeeda iyo hufnaanta manhajku waa himilada madaxweynaha tan iyo markii uu talada la wareegay madaxweyne Muuse Biixi Cabdi waxa la qaaday talaabooyin saldhig u ah sidii tayaynta waxbarashada loo xoojin lahaa.

Waxa aynu ka xusi karnaa intii xukuumadu jirtay tabooyinka la qaadaydhawrkan qodob.

  1. Daabacadii buugta ee ardayda loo qaybiyay si loo daboolo baahida ardayda dugsiyada dawliga ah dhigata oo u badan danyar dhaqaalahoodu hooseeyo.
  2. Waxa la mideeyay oo si lafa gur ah loo eegay dhammaan sanadada lagag baxayo dugsiyada sare oo kuwa aan dawliga ahayn u badnaayeen saddex sanno in ardaygu ku dhameeyo halka dawligu yahay afar sanno.
  3. Dugsiyada gaarka loo leeyahay intooda badan manhajka lagu dhigto iyo ka dawliga ah manhajka lagu dhigto ayaa ahaa kuwo kala duwan qodobkaas na waa la mideeyay oo sanad dugsiyeedka bilaabmaya waxa guud ahaan lagu dhigayaa dalka manhaj kaliya.
  4. Waxa guud ahaan ba la joojiyay in la shaaciyo si gooni ah ardaydii kaalmaha sare, taas oo oo suuq geyn weyn u ahayd iskuulada aan dawliga ahayn isla markaana dhaawac ku ahayd tayada waxbarashada.
  5. Intii Somaliland la soo noqotay gobanimadeedii daah furka iyo qaybtinta imitixaanaadka shahaadiga ahi waxa ay ku koobnayd wasaaradda waxbarashada balse doorkan madaxweynuhu si uu dhiirigalinta ardayda u xoojiyo isaga ayaa daahfuray.

Intaas oo kali ah kuma koobna hawlaha tayayntu balse waxa iyadana hawlaheedu socdaan sidii manhajka dib loogu qaybin lahaa.

Guud ahaan qodobadani iyo barmaamijka shaqo qaran ee dhawaan wajigiisii koobaad soo gunaanadmayba waxa ay kor u qaadayaan rajada dhalinyarada ku jirta waxbarashada iyo tayada aqoontaba.

Waana mid ka mid ah mudnaanaha ugu weyn xukuumada uu hogaaminayo madaxweynuhu in xooga la saaro.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here