Hargeysa: Dugsiga ABC ACADEMY oo Daah-furay Dib U Habeyn iyo Casriyeyn Lagu Sameeyey Waxbarashadiisa

0
941

Hargeisa (Hargeisa Press)- Munaasibad lagu daah-furay casriyey iyo dib u habayn lagu sameeyey Dugsiga waxbarashada iyo barbaarinta Ubadka ee A.B.C, ayaa lagu qabtay xarunta dugsigaasi oo ku taalla Xaafada Xero-awr ee Magaalada Hargeysa, waxaana ka qaybgalay Wasiir ku-xigeenka Wasaarrada Waxbarashada iyo Sayniska, Siyaasiyiin, aqoonyahan, waxgarad, Waalidiin iyo marti-sharaf kale.

Xafladan oo ahayd mid si heer sare ah loo soo agaasimay, waxa ugu horayn ka hadlay Maamulaha Dugsiga ABC Maxamed Yuusuf Jaamac, kaasoo ka warbixiyey muddadii uu dugsigani furnaa iyo waxyaabaha lagu soo kordhiyey, waxaanu sheegay in kor loo qaaday tayada waxbarasho iyo tarbiyada ubadka ee dugsigan, lana xadidday tirada ardayda fasallada wax ku barta oo lagu koobay in fasalkiiba ay 25 Arday oo qudha duruusta ku dhigtaan.
“Dugsiga ABC wuxuu kaga duwan yahay Iskuullada kale annagoo ugu talogalay in Fasalkiiba ay fadhiistaan 25 Arday, waxa kale oo aanu ugu talogalnay in aanu Carruurta yar ku barbaarino akhalaaqda iyo tarbiyad Islaamka”ayuu yidhi Maamule Maxamed Yusuf.

Maamulaha ayaa sidoo kale sheegay in Ardayda loo diyaariyey qayb loogu talogalay Ciyaarta iyo Jimicsiga Carruurta oo casri ah iyo guud ahaanba waxyaabihii aasaasiga ahaa waxbarasho iyo barbaarineed. “waxaanu doonaynaa in aanu soo saarno Ubad dhisan Diin ahaan iyo maadiyan labadaba. waxaanu u diyaarinay goobo ay ku ciyaaraan, goobo waxbarashooda ka haqab-tiraya, waxaanu u diyaarinay macalimiin tababar oo baahida Ardayda si gaar ah u ogaan karta oo mar walba iskuulka ku sugan” ayuu yidhi Maamulaha Dugsiga ABC oo intaasi ku daray in heerka waxbarasho ee dugsigu ay tahay Fasalka 1aad ilaa 4aad oo ah inta aasaaska u ah waxbarista Carruurta.

Marwo Sucaad Carmiye oo kamida aqoonyahanka Somaliland oo iyaduna munaasibadaasi ka hadashay, ayaa ku hambalyeysay Maamulka iyo macalimiinta Dugsiga A.B.C hanaanka fiican ee ay ugu diyaariyeen carruurta waxbarashada iyo barbaarinta, iyadoo intaasi ku dartay in nidaamka waxbarasho ee Dugsigani ka muuqato habka loo qalabeeyey fasalada iyo goobaha loo asteeyey madadaallada Ubadka.

“Dugsigani waa beertii waxbarashadu ka bilaabmaysay, sidaan arkayana waa Dugsi si fiican looga shaqeeyey, markaa waxaan rajjeynayaa in Dadka Xaafadan degeni ay ka heli doonaan baahidii ay u qabeen Dugsigan oo kale, maamulkana waxaan u rajjeynayaa guul”ayey tidhi.
Aqoonyahan Sucaad Carmiye iyadoo hadalkeeda sii wada waxa ay tidhi “waalidiinta Ubadka dhalayna waxaan kula dardaarmayaa in ay ka war hayaan Dugsiga, muhiimada ugu weyni waxay tahay Carruurta in aan Iskuulka loo soo dirin ee waa in ay isla socdaan Maamulka, Waalidka iyo macalimiintuba”.

Wasiir ku-xigeenka Wasaarrada Waxbarashada iyo horumarinta Sayniska Axmed Xasan Ciroole, oo gabagabadii munaasibada ka hadlay, kana jaray xadhiga qaybaha lagu kordhiyey Dugsiga, ayaa u hambalyeeyey aasaaseyaasha dugsigan, waxaanu farta ku fiiqay ahmiyada ay leedahay in Ubadka marka ay yar yaryihiin si fiican loogu barbaariyo waxbarashada iyo tarbiyada.

Wasiirka ayaa intaasi ku daray “Dugsigan waa wadaddii saxda ahayd ee ay carruurtu waxbarashada ka bilaabaysay oo iyagoo yaryar in lagu soo kobciyo weeye sidii uu Nabigeenu NNKH xadiiska ku sheegay, markaa dugsigana way ka muuqataa wixii looga baahnaa ee ubadka lagu barbaarinayey, waana in Diinta marka hore lagu barbaariyaa”.

Wasiirku gabagabadii waxa uu sheegay in dugsigan iyo kuwa kale ee dalkaba ay madnuuc ka tahay in ay Dad ajaanib ahi Macalimiin ka noqdaan “Sharciga wasaarrada waxbarashada kuma jiro in Qof Ajaaniba uu wax u dhigo Carruurta yar yar, markaa taana hala digtoonaado ayaan leeyahay”.

Dugsigan oo muddo dhisnaa, isla markaana ay dhigtaan Ubad tiro badan oo ku jira heerka barbaarinta, ayaa loo qalabeeyey hab istareex ah oo ay Carruurtu ku nefisayaan iyagoo duruusta loo dhigayo, waxaana ka howlgala macalimiin isugu jira Rag iyo haween loo carbiyey korinta aqoontan Carruurta, sida ay xaflada ka sheegeen Masuuliyiinta gacanta ku hayaa.

Halkan hoose ka daawo muuqaalka

HargeisaPress News Desk – Hargeysa

 

LEAVE A REPLY