Hargeysa: Darawal Gaadhi Jiidhsiiyay Askari Taraafik Ah + SAWIRRO

0
1184

HARGEISA, (HargeisaPress) — Galinkii hore ee Isniinta maanta ayuu nin Taraafik ah Gaadhi Vitz ah ama bulshadu u taqaan DUKHAAN-ka ahi ku jiidhay Badhtamaha Suuqa Hoose ee Hargeysa. ninkan la Jiidhay ayaa uu Madaxu kala dilaacay Waxaana Loola Cararay Cisbitaalka Guud Ee Hargeysa.

 

 

 

“Ninka Taraafik-ga ahi wuxuu Jooji is yidhi Gaadhiga yar oo Meel Cidhiidhi ah marayey ka dib wuu joogsan waayey, taraafik-ga oo gaadhi dhinaciisa dhirbaaxo ku dhufanaya ayuu kii taxiga Watay ku yidhi Joojin maayo oo waliba waan ku jiidhsiini, markiiba intuu hore u orday ayuu soo kala jeestay oo wuu ku dhuftay ninkii Taraafik-ga ahaa oo Duulaya ayaa ku dhacay Albaabka Bas meesha taagnaa waxaana kala dilaacay Madaxa markuu dib dhulka ugu soo dhacayna wuu sii jiitay, ka dibna Baxso isagoo isle ayuu Bas wayni ku hor qabtay.” sidaa waxa warbaahinta u sheegay Goobjooge ku sugnaa Goobta lagu jiidhay Ninka Taraafik-ga ah .

gaadhi1

Goobta shilkani ka dhacay oo aan waxbadan ka fogayn saldhiga Dhexe ee Hargeysa ayaa waxa markiiba soo gaadhay Ciidanka Booliska oo Xabsiga u taxaabay Gaadhigii Yaraa iyo ninkii Watay oo u muuqday Nin Dhalinyaro ah.

 

 

Dhinaca kale Nin kii Taraafik-ga ahaa ayaa markiiba loola soo Cararay Dhinaca Dhakhtarka Wayn iyadoo la dhigay Qolka Qaliinka Deg Deg Dega ah si loo Furdaamiyo Xaaladiisa oo aad u liidatay.

 

 

HargeisaPress News Desk — Hargeysa

hargeisapress@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here