Wasiirka Gaadiidka Oo Faahfaahin Ka Bixiyay Go’aan Hadal Hayn Badan Dhaliyay

0
437

Hargaysa (HP): Wasiirka gaadiidka iyo jidadka ee Somaliland ayaa faahfaahin ka bixiyay go’aan lagu ansixiyay kal-fadhigii 66aad ee golaha wasiirrada Somaliland ee todobaadkii hore.
Go’aankaasi oo lagu mamnuucay in ay dalka soo galaan gawaadhida yar yar ee loo yaqaano VITZ iyo in aan baabuurta Isteerinka dhinaca bidix ku leh dalka lagu isticmaali karin.
Arrintaasi hadal hayn badan iyo dooddo ka dhex abuurtay dadweynaha reer Somaliland.
C/laahi Abokor Cismaan, oo maanta warbaahinta kula hadlay xafiiskiisa ayaa sheegay in go’aankaasi uu waafaqsan yahay xeerka wado marista Somaliland.
Iyadoo fulinta arrintaasina ay leedahay wasaaradda gaadiidka iyo jidadku.

Daawo: Shirka Jaraa’id Ee Wasiir C/laahi Abokor:

Hargeisa Press.com/Hargeisa Office.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here