Hargaysa: Shirkadaha So iyo Som Cable Oo Amaalbariyay Shaqaalahoodda

0
513

Hargaysa (HP):  Shirkadaha So iyo Som cable ayaa abaal marino gudoonsiiyay shaqaalaha shirkadahaasi ee ugu shaqadda wanaagsanaa sanadkii dhamaaday ee 2020-ka.

Munaasibad loo sameeyay abaalmarinta shaqaalaha oo lagu qabtay magaaladda Hargaysa waxaa ka qayb galay xubno ka tirsan golaha wasiirrada Somaliland, maamulka iyo masuuliyiinta shirkadahaasi.

Shirkadaha So iyo Som Cable ayaa bixi adeegga Internet-ka, iyadoo shirkadda SO ah shirkadda keliya ee Somaliland keentay xadhiga Internet-ka Fiber Optica.

Taasoo ka hawl gasha dhamaanba goboladda Somaliland, isla markaana ah shirkadda ugu balaadhan ee bixisa adeega Internet-ka ee Somaliland ka jirta.

U jeedadda munaasibadaasi ayaa lagu tilmaamay mid lagu dhiiri gelinayay shaqaalaha ka hawl gala shirkadaha SO iyo Som Cable oo mataano ah.

“Shaqaalahayagu waa hantidda dhabta ah ee ay shirkadani leedahay. Hantidda ay shirkadu leedahay waa shaqaalaha.

Marka aad faraxdaan ayay shirkaduna horumar gaadhaysaa” sidaasi waxaa yidhi madaxa xidhiidhka dadweynaha ee shirkadda Som Cable. .

 

 

Hargeisa Press.com/Hargeisa Office.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here